BBC Somali

War > Warar

Markab ay Puntland qabatay

Facebook Twitter Google+
18 Novermber 2012 17:24
Somalia

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay inay qabteen markab laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi oo ku daadinaya sun shamiito iyo waxyaabo kale badda.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay, inay ka qabteen markabka iyo shaqaalihiisa saarnaa oo kabadan soddon nin meel u dhow magaalada Boosaaso.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay maxkamad saarayso shaqaalaha markabka. Ilaa hadda wax war ah lagama haayo Kuuriyada Waqooyi. Sunta iyo waxyaabo kale oo qashin ah ayaa dhowr jeer lagu soo waramay in lagu daadiyay badda Soomaaliya oo aan lahayn ciidan ilaaliya in kabadan labaatan sano.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter