BBC Somali

War > Warar

Labo ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Ankara

Facebook Twitter Google+
1 Febraayo 2013 14:50
Qarax Akara

Laba qof ayaa ku dhintay ugu yaraan laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay banaanka hore ee safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Saraakiisha Turkiga ee ku sugan magaalada caasimadda ah ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah uu uujinayo in weerarku ahaa is qarxin.

Sawirro la soo saaray ayaa uujinaya baaxadda qasaaraha uu qaraxu geystay meel dadka lagu baaro oo banaanka hore ah.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in tobanaan qof oo dalbanaya fiiso dalka Mareykanka ay maalin walba safaf dhaadheer halkaasi u galaan.

Qaraxa ayaa waxa sidoo kale uu waxyeello u geystay dhismooyinka u dhawaa safaaradda, halkaasi oo ay deggan yihiin safaarado kale.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter