BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 24.07.2001 - 17:08 Wakhtiga London
Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta oo iscasilay

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa maanta ka cudur daartay Guddoomiyenimadii Guddiga Qaran dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Cabdirsaaq waxaa uu BBC-da u sheegay in sababta uu isaga casilay jagadaas ay tahay in waa marka horee lagu gefey waxyaaba uu sheegay in ay isla meel dhigeen isaga iyo Raiisal Wasaaraha dolwdda KMG-ka ah ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh.


Raiisal Wasaare Galaydh
Jagadan waxaa Cabdirisaaq u magacaawday dowladda Soomaaliya. Waxaa uu uu sheegay in ay isaga iyo Ra'iisal wasaaruhu isku ogaayeen in ay dowladdu magacawdo Guddoomiyaha oo kaleiya, ka dibna uu guddoomiyuhu magacaabo xubnaha kale ee guddiga.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ka muujisay siyaasadda dibadda, waxaadse moodda in ay ka gaabisay isu soo dumidda dadka Soomaaliyeed.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Taa waa lagu xad gudbay ayuu yiri Cabdirisaaq.

Midda kale ee iyadana lagu xad gudbay waxay tahay ayuu yiri - ku dhawaaqista Guddiga oo ay ahad in isagu ku dhawaaqu ayeey dowladdu ku dhawaaqday.

Cabdisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in uu waraaqdan u diray Cali Khaliif dhowr saacadood ka dibna (Talaada) uu jawaab ka helay uu Galaydh cudur daar ku bixinayay ah in uu dalka ka maqnaa.
Cabdirisaaq wuxuu sheegay in aanuu ku qancin waraaqdaas.

Ugu dambayntii Cabdisaaq Xaaji Xuseen oo lixdamaadkii raiisal wasaare ka noqday Soomaaliya, waxaa uu sheegay in uu aamminsn yahay in Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya ay tahay mid ku soo baxday hannaankii dib u heshiineed ee ugu habboonaa tan iyo markii ay dagaallada Soomaaliya billowdeen.

Waxaa habboon ayuu yiri in wakhti la siiyo. Inkasta oo ay jiraan dad badan oo ka soo hor jeeda.







Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.