BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 24.09.2002 - 10:06 Wakhtiga London
Roobabka deyrta oo ka curtay Soomaaliya

Xasan Barise- Muqdisho

Roobabkii xilliga Deyrta ayaa ka curtay meelo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaanna gobollada Koofureed, iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo in ay roobabkaasi dhibaatooyin ka geysteen. 

Roobabkan xilliga Deyrta oo inta badanna ay beeraleyda Soomaaliyeed aad ugu xisaabtamaan ayaa toddobaadkan si fiican uga billowday magaalada Muqdisho, deegaannada ku xeeran degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, Shabeellooyinka ilaa Jubbada Hoose.

Wararka lagu helayo dhinaca isgaarsiinta ayaa sheegaya in tuulooyinka Haraale, Garasiyaani, Booco, Ceel Cali, Buq Aqable iyo deegaannada ku xeeran ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’een roobab xoog leh.

Gaar ahaan labada tuulo ee Dhakran iyo Riinjo ayaa la soo sheegayaa in ay roobabkaasi ku dileen 20 neef iyo 30 neef sida ay u kala horreyaan, iyadoo tuuulada Riinjo ay intaasi u dheertahay aqallo dhowr ah oo ay roobabkaasi ka xaaqeen.

Magaalo madaxda gobolkaasi Hiiraan ee Beledweyne iyada gudaheeda wax roobab ah ma helin ilaa iyo hadda, waxaase si weyn loogu xeytay beerashada dalagga xilligan iyadoo uu webiguna maalintii shalay biyo keenay oo uu soo buuxsamay isago sida geedo waaweyn iyo biyo badan oo calaw ah.

Gobolka xiga ee Shabeellaha Dhexe ayaanan isagana laga soo sheegin roobab caynkaasi ah inkastoo haddana aanay qallalnayn oo waxaa ka da’ay roobab fashiiq ah.

Magaalada Muqdishana nafsad ahaanteeda waxaa ka da’ay roobab aan xoog badnayn oo laakiin si weyn loogu qabawsaday, wax khasaare ahna aanan ilaa iyo hadda geysan.

Dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose magaalo madaxdiisa Marka ayaanan iyadu wax roob ah helin weli, laakiin degmada Baraawe ayaa heshay roobab fiican oo ilaa maalintii shalay da’ayey. 

Tuulooyinka Kuunyo-Barrow ilaa Xaramka iyo nawaaxigooda ilaa degmada Jilib ayaa iyagana roob wanaagsan oo aan laakin wax khasaare ah geysan laga soo sheegay.

Dhinaca gobollada Bay iyo Bakool wax roobab ah weli lagama soo sheegin inkastoo magaalada Baydhabo ay ilaa maalintii shalay ka muuqdeen calaamadihii roobabka lagu yaqaannay.

Waxaa sidaas oo kale ah gobolka deriska la ah ee Gedo oo aanay isagana weli ka bilaabanin roobabkii Deyrta.

Laakiin, roobabka xilligani waxay ugu sii xoog badan yihiin dhinaca gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ilaa tobankii maalmood ee la soo dhaafay ay si weyn uga da’ayeen.

Inkastoo aanan ilaa iyo hadda la soo sheegin wax khasaare naf dadeed ama xoolo ah oo ay dileen roobabkaasi, haddana waxaa jirta khasaare kale oo xagga dhaqaalaha ah oo aad u weyn oo ka dhashay kaddib markii ay biyaha roobabkaasi gooyeen waddooyin aad u muhiim ah.

Waddada loo yaqaanno Jidka Habaar Waalid oo magaalada Kismaayo ku xira tuulada Hoosingow iyo magaalada Badhaadhe ayaa go’an, iyadoo waddooyinka kale ee magaalada Kismaayo ku xira Afmadow, Taabta iyo Qooqaani aanay iyaguna wax gaadiid ah mari karin.

Waxaana in ka badan 30 baabuur oo kuwa xamuulka ah ay hadda ku xayiran yihiin inta u dhaxaysa magaalada Kismaayo iyo tuulada Hoosingow oo isu jira ilaa 130km, sidaasi darteedna waxaa magaalada Kismaayo u soo hartay waddada ku xirta magaalada Muqdisho oo keliya.

Dadka ku xeesha dheer arrimaha roobabka oo reer Kismaayoodka ah ayaa walaac ka muujinaya roobabka noocaan oo kale ah iyagoo sheegay in shantii sanoba ay sidan oo kale mar dhacdo oo roobab aad u xoog weyn ay yimaadaan kuwaasoo ay ka dhashaan daadad khasaare ba’an geysta. 

Si kastaba ha ahaatee, xilligan ay curteen roobabkii Deyrta waxaa si weyn u socda diyaargaraw badan oo ay sameynayaan beeraleyda gaar ahaanna kuwa roobabka wax ku beerta.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.