BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 01.06.2003 - 15:03 Wakhtiga London
Guddiga xaqiiqa raadiska ah oo Puntland booqdey

Axmed Kismayo - BBCOnline

Wafdigii xaqiiqa-raadinta ee maalmahanba socodka ku marayay Soomaaliya ayaa Axaddii ka ambabaxay magaalada Bosaso oo ay yimaaddeen galinkii dambe ee maalintii Sabtida.

Wafdigan oo ka koobnaa xubno ka kala socday Midowga Yurub, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno ka tirsan guddiga hubka dhigista waxa uu subaxnimadii Axadda Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed iyo xubno ay ka
mid yihiin Cabdullahillahi Sh. Ismaacil, Hilowle Imaam Cumar, Max'ed Max'ud Guuleed iyo General Max'ed Siciid Xirsi Morgan.

Cabdullahi Yusuf Axmed oo kulankii saaka ka hadlay ayaa u sheegay guddigan xaqiiqa raadisaka ah inuu aad u soo dhowaynayo arrinta ku saabsan hub-ka-dhigista Somaliya isla markaana uu oggol yahay in ciidamo shisheeye ah oo hawshaas fuliya la keeno Somaliya sida uu ii sheegay Wakiil Ku-xigeenka
Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdishakuur Mire.

Waxa uu intaas ku daray Cabdullahi Yusuf in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan hawshan hub-ka-dhigista isagoo intaa raaciyay inaysan jirin dawlad uu ka horjeedo inay ka qaybgasho barnaamijka hub-ka-dhigista ee laga fulinayo Somaliya.

General Masobe oo u dhashay dalkaasi Kenya isla markaana ahaa madaxa guddigan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhoweeynayo heshiiskii dhowaan magaalada Bosaso ku dhexmaray maamulka Puntland iyo mucaaradkii ka horjeeday.

Waxa kaloo uu sheegay Jananku in ujeeddada socodka ee wafdigiisu yahay in uu u kuurgalo sida uu u hirgalay heshiiskii xabbad joojinta ee ay hogaamiyayaasha Somalida ku saxiixeen shirka Kenya iyo inuu daraasad ku sameeyo sida hub-ka-dhigis looga hirgalin karo Somaliya.

Intaa ka dib waxa guddiga loo gudbiyay qoraal ay wadajir u saxiixeen Madaxweynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed, Cabdullahi Sh. Ismacil, Hilowle Imam Cumar, Max'ed Max'ud Guled iyo Jeneral Morgan.

Waxa uu qoraalkan ku saabsanaa mowqifka siyaasiyiintan ee ku saabsan barnaamijka hub-ka-dhigista Somaliya iyo talooyin kale oo isla arrintan la xiriirta oo ay soo jeediyeen.

Arrimaha muhimka ah ee uu qoraalkan xambaarsanaa ayaa waxa ka mid ahaa in hub-ka-dhigista Somaliya aysan la jaanqaadi Karin duullaanada iyo kooxaha doonaya inay xoog ku qabsadaan ama ku haystaan degaanada dadka kale sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in arrimahas meesha laga saaro marka
hore.

Waxa kaloo uu soo jeedinayaa qoraalkan in hub-ka-dhigistu ay mar kaliya ka wada hirgasho dalka oo dhan, isla markaana meelo cayiman iyo mashaariic dhaqan celineed loo sameeyo malleeshiyooyinka hubaysan iyo weliba in hubka noocyadiisa oo dhan dadka laga dhigo.

Arrimaha kale ee ay qoraalkan ku soo jeediyeen siyaasiyiintan waxa ka mid ah in lagama maarmaan loo arko in Somaliya la keeno ciidamo faragalin iyo nabad-xoojin oo caalami ah safka horena ay kaga jiraan dalalka ku jira ururka IGAD.

Malleehiyooyinka aadka u hubaysan ee ay leeyihiin ganacsatada,kuwa hay'adaha samafalka iyo kuwa madaxa bannaan ee ka jira Somaliya ayaa qoraalku ku talinayaa in lagu daro hub-ka-dhigista.

Ugu dambayntii waxa ay hogaamiyeyaashani soo jeediyeen in meelaha uu qasku ka jiro oo ay ku tilmaameen laga bilaabo muqdisho ilaa xuduudaha Kenya iyo Itobiya laga hormariyo qaybaha kale ee Somaliya ee ay nabaddu ka jirto waa sida ku cad qoraalka'e.

Marka la soo ururiyo waxa madaxda qoraalkan saxiixday aad ugu wayn in nabadayn lagu soo dabbaalo Somaliya ay shardi u tahay sida uu caalamku ugu soo jeesto hub-ka-digista Somaliya iyadoo waliba hirgalinta arrinkaas loo adeegsanayo ciidamo shisheeye ah.

Guddigan xaqiiqa raadiska ahi waxa uu isla manta ka ambabaxay magaalada Bosaso isagoo ku sii jeeda dalkaasi Kenya hase ahaatee sii maraya magaalada Gaalkacyo.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.