BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
02 Janwari, 2004, 16:31 GMT; 19:31 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Somaliland oo u jawaabtey Cabdullahi Yusuf

Afhayeen u hadlay Somaliland ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo in Cabdillaahi Yuusuf uu Somaliland ku sheegey iney waddo weerar.

Afhayeenkaasi u hadlay wasaaradda warfaafinta ee Somaliland wuxuu beeniyay in ciidamada Somaliland ay ku duulayaan magaalo-madaxda gobolka sool ee Laascaanood, hase yeeshee wuxuu sheegay in Laascaanood ay ka mid tahay dalka Somaliland, sida ku qeexan buu yidhi sharciga caalamiga ah ee xuduudaha iyo sooyaalka taariikheed ee maxmiyaddii British Somaliland.

Afhayeenkaasi waxa uu sheegey in hadalada ka soo yeerey Cabdullahi Yusuf ee uu ka sheegey BBC-da iney ahaayeen kuwa aan meesha qaban. Afhayeenku waxa uu yiri hadaladaas waxa ka mid ah in Cabdullahi Yusuf uu yiri Mr.Rayaale ayaa Boorama kaga soo duulay Laascaanood .

Wuxuu intaa ku daray afhayeenku in madaxweyne Rayaale aanuu ahayn ninb loo nisbeyn karo qabiil, hase-yeeshee uu yahay madaxweyne qaran.

Waxa kale uu afhayeenka Somaliland sheegay in difaaca dhulka Somaliland iyo howsha sugidda xuduudaheedu aanay ahayn mid lagu leexin karo shakhsi ama beel keliya, laakiin ay tahay hawl ay meel ka wada taaganyihiin bulshada Somaliland dowlad iyo shicib , muxaafid iyo mucaarid, oo buu yidhi xukuumadda iyo madaxweynaha lagu taageersanyaha! y .

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna shir Jaraa'id oo uu Khamiistii ku qabtay xarunta xisbigaasi ee Hargeysa ka caddeeyay in Kulmiye sidii uu horeba u taageeray go'aankii madaxweynaha Somaliland ee sugidda xuduudaha uu imikana si buuxda ugu baaqay shacbiga inay si adag heegan ugu noqdaan difaaca iyo sugidda xuduudaha Somaliland.

Mr Kaahin wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ee soo galay Laascaanood uu xisbiga Kulmiye u arko xadgudub iyo daandaansi badheedh ah oo liddi ku ah dhammaan shuruucda iyo curfiyada caalamiga ah.

Wuxuu ka digay in haddii ciidamadaasi aanay deg deg uga bixin Laascaanood wixii khasaare ka yimaadda uu masuuliyadeeda qaadayo Cabdillaahi Yuusuf, isagoo raaciyay in Somaliland ay in ku filan u dulqaadatay farogelinta Cabdillaahi Yuusuf iyagoo xeerinaya nabadda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID Maxamed Cabdillaahi uurcadde ayaa isaguna wuxuu ku sheegay in xisbigaasi uu taageero la barbar taaganyahay go'aanka Dowladda Somaliland ay ku sugeyso buu yidhi xuduudaheeda bariga.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin