BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
21 Janwari, 2004, 10:38 GMT; 13:38 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
War saxaafadeed ay soo saartay dowladda KMG ah
Khariidadda Soomaaliya
Shirka kooxaha Soomaalida oo ku dhow wejigiisii saddexaad ayaa rajo weyn laga qabaan in ay wax ka soo baxaan
 

Xasan Barise, BBCSomali.com

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda KMG ah ayaa looga hadlay xaaladda colaadda laga baqayo in ay ka dhex qaraxdo labada maamul ee Somaliland iyo Puntland amuurta gobolka Sool. War saxaafadeedkan oo ka koobnaa saddex bog waxaa inoo soo koobaya weriyeheenna Xasan Barise oo Nairobi jooga.

War saxaafadeedka waxaa lagu billaabay in ay nasiib darro tahay in kooxo ka mid ah Soomaalida ay u qaateen in ay xurmo ridi karaan waddanka walaalka Soomaaliyeed ah ee Djibouti iyo madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo adeegsanaya waxyaabo ay maxkaxdooda ka soo allifeen si u qariyaan xaqiiqada jirta iyo dembiileyaasha ka dambeeya dagaalka aan macnaha lahayn ee laga abaabulayo gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda iyo madaxweynaha Djibouti

War saxaafadeedkan wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii dowladda Djibouti iyo madaxweyneheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay khalad samayeen ay tahay khaladka keliya ay sameeyeen in ay caawineed Soomaaliya oo ayna weli doonayaan in ay gacan ka geystaan in walaalahooda Soomaaliyeed ay gaaraan nabad iyo deggenaansho, taasina ay tahay waxa ay cadawga Soomaaliyeed la caraysan yihiin isla markaana doonayaan in ay horjoogsadaan.

War saxaafadeeku wuxuu yiri waxaanan shaki ku jirin in ciddii ka dambaysay dagaallada Soomaalida si toos ah iyo si dadbanba ay hadda isku dayeyso in ay Djiboutina cagaha u soo geliso dagaallada Soomaalida.

Saameynta colaad ka qaraxda Sool

Xiisadda ka jirta gobolka Sool ee Soomaaliya ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaasi ma ahan mid ku kooban halkaasi, balse wuxuu xiriir toos ah la leeyahay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Nairobi, maaddaama buu leeyahay war saxaafadeedku ay xoogaggii caadaystay nabad-diidnimada ay doon-doonayaan marmarsiinyo ay kaga baxaan shirka.

Sidoo kale waxay dowladda KMG ahi sheegtay in wixii ka dambeeyey shirkii madaxda urur-goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, in la filayey in riddi-ficill xun uu ka imaan doono xarumaha kuwii dareemay in laga xayuubiyey awooddii ay ku lahaayeen maamulka shirka kooxaha Soomaalida.

Rajada shirka laga qabo

Dadka Soomaaliyeed ayuu war saxaafadeedkani sheegay in ay hadda ku rajo-weyn yihiin in ay dowlad Soomaaliyeed ka soo baxdo shirka Nairobi, taasoo ay dowladda Djiboutina weligeed baadi goobaysay in ay mar uun aragto Soomaaliya oo dib ula soo noqota sharafteedii qarannimo ee ay ku dhex lahayd bulshada caalamka.

Eedeymaha hadda la maqlayo ayaa lagu yiri war saxaafadeedkan ma ahan oo keliya dacaayad lagaga soo horjeeda dalka walaalaha ah ee Djibouti, balse waa mid loola jeedo bey tiri dowladda KMG ah in lagu majo-xaabiyo habka nabadda Soomaalida ee ay horkacayaan waddamada IGAD isla markaana ay taageersan tahay beesha caalamka, waxayna dowladda KMG ah ka codsatay dowladda dowladda Djibouti iyo madaxweyneheedaba in ay raalli ka noqdaan eedeeyntaasi aanan qabanin.

Dowladda KMG ahi waxay kaloo sheegtay in kooxaha diidaya in ay wada hadal la galaan xubnaha golaha samatabixinta ee hadda ku sugan shirka wada tashiga ee Nairobi ay yihiin waxa loogu yeeray qeyru masuul aanan doonaynin nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Ugu dambayntii dowladda KMG ah waxay ugu baaqday madaxda dowladaha IGAD, gaar ahaanna labada madaxweyne ee Kenya iyo Uganda in ay si deg-deg ah u soo farageliyaan xiisadda ka oogan gobolka Sool si looga samata baxo dhiig sokeeye oo daata.

War saxaafadeedka Puntland

Dhinaca kalena, war saxaafadeed kale oo ka soo baxay maamul-goboleedka Puntland ayaa waxaa loogu jawaab-celiyey hadalkii wasiirka arrimaha dibadda ee Djibouti, Cali Cabdi Faarax, waxaana lagu sheegay in colaadda ka oogan gobolka Sool aanay billaabin maamul-goboleedka Puntland isla markaana ay ciidamada Puntland hore u joogeen gobolkaasi.

War saxaafadeedkaasi Puntland waxa uu ku eedeeyey dowladda Djibouti in aysan dhexdhexaad ka noqon karin gosha nabadda ee Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin