BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Agoosto, 2005, 21:26 GMT; 00:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
U20 Soomaaliya oo ka badiyay Tanzania
 
Koox Soomaaliyeed
Koox Soomaaliyeed
Kooxda da'doodu ka hoosayso 20 jirka ee Soomaaliya, oo ka qaybgalaysa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA, ayaa badiyay ciyaartii ugu horaysay ee tartankaasi. Waxay 2-1 uga adkaadeen kooxda Tanzania.

Kooxda Soomaalida, oo goolka looga hormaray, ayaa laga dhaliyay daqiiqadii 21-aad ee qaybtii hore, goolkaasi oo rigoore ahaa, ayaa qaybtii hore lagu kala nastay.

Qaybtii labaad oo maraysa 63 daqiiqo, ayaa ciyaaryahanka C/raxmaan Ismaaciil (Baasuuke) uu goolkii barbardhaca u dhaliyay kooxda Soomaalida, iyadoo goolkii labaadna uu shan daqiiqo kadib ciyaaryahan Shaarkeey u saxiixay kooxda Soomaaliya.

Waa guushii ugu horaysay ee koox ka socota Soomaaliya ay ka soo hoyso tartamada ay ka qaybgalaan oo u badan kuwa bariga iyo bartamaha Africa, markii ugu dambaysay waxay ahayd sanadkii 2000 oo kooxdii qaranka Soomaaliya matalaysay ay 1-0 uga adkaadeen kooxdii qaranka ee Itoobiya.

Ciyaarta soo socota, waxay kooxda Soomaalidu la leeyihiin kooxda dhalinyarada Itoobiya maalinta Sabtida ah, iyagoo Isniintana la ciyaaraya kooxda Rwanda.

Kooxda Jabuuti oo iyaduna tartanka ka qaybgalaysa, ayaa ciyaartii ugu horaysay, waxaa 1-0 uga adkaatay Sudan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin