BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Julaay, 2008, 21:16 GMT; 00:16 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Amiin Caamir oo ka warramay farshaxankiisa
 

 
 
Amiin Caamir, waa farshaxanle sawirradiisa aad loo jecel yahay
Amiin Caamir, waa farshaxanle sawirradiisa aad loo jecel yahay
Amiir Caamir waa farshaxanle sawirradiisa si weyn loo qiimeeyo. Wuxuu hadda bar ku leeyahay shabakadda Internet-ka, halkaas oo uu sawirradiisa ku soo bandhigo.

Amir Amir oo caan ku ah soo bandhigidda sawirada farshaxanka ee uu ku muujiyo duruufaha kaladuwan ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee umada soomaaliyeed, ayaa dadka daawada sawirradiisa, kana faalloodaayi waxa ay ku tilmaaman in uu yahay nin khibrad fiican u leh sawir ku muujinta dhacdooyinka.

Laakiin, waa nin dadka qaar ay ka caroodaan sida uu wax u fasiro, kuwa kalena ay la dhacaan hal abuurkiisa.

Dhowrkii sano ee ugu dambeysay, Amiin wuxuu xoogga saaray inuu soo bandhigo sawirro cabbiraya xaaladda siyaasadeed ee ku sugan yahay dalka.

Amiin Caamir wuxuu imminka ku nool yahay dalka Canada, halkaas oo uu ku leeyahay studio uu ku sameeyo sawirrada uu soo bandhigo. Wuxuu imminka sawirradiisa ku farsameeyaa aalado casri ah.

Intii uusan dalka Canada iman, Amiin Caamir wuxuu ahaa farshaxanle si weyn looga qaddariyo dalka Soomaaliya, isagoo soo wargeysyadii dalka ku soo bandhigi jiray farshaxankiisa.

Wareysigan ayuu Amiin Caamir uga warramayaa dhinacyo badan oo kamid ah howlaha uu qabto iyo sida uu u qabto.

 
 
BOGGAG AAN BBC AHAYN
BBC-du mas’uul kama aha wax aan ahayn boggeeda.
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin