BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Disembar, 2008, 10:19 GMT; 13:19 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dhibaatada ka iman karta marka Sirius Star
 

 
 
cabdullaahi
Dr Cabdullahi Cilmi Maxamed waa khabiir dhinaca deegaanka iyo biyaha
Dr. Cabdullahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay deegaanka iyo biyaha, madaxna ka ah Xaruunta Deegaanka iyo Biyaha ee fadhigeedu yahay dalka Sweden, kana howlgasha jaamacadda Muqdisho, ayaa ka hadlay qatarta ka iman karta markabka Sirius Star.

Dr Cabdullaahi (Asad) waxa uu sheegay in haddii ay waxyeello soo gaarto markabka weyn ee Sirius Star in ay keeni keento cawaaqib xun oo saameyn weyn oo naf iyo maalba ah ku yeesha xeebaha Somalia, isagoo intaa raaciyay inay noqon doonto masiibo aan horey loo arag.

Waxa uu sheegay in ay adkaan doonto in wax laga qabto masiibada halkaasi ka dhalata, oo uu yiri waxay u baahan tahay farsamo iyo qalab, ka badan qiimaha markabka iyo waxa saaranba.

Dhibaatooyin dhinac dhaqaale iyo caafimaad ayuu sheegay Dr Cabdullahi Cilmi Maxamed inay ka dhalaneyso haddii shidaalka saaran markabka ay ku shubmo biyaha, taasi oo saameyn doonto noolaha badda ku jira iyo kuwa deegaanka ku dhaw dhaw.

Dhinaca kale iyadoo weli kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay heystaan maraakiibtaasi, ayaa Golaha Ammaanka ee QM waxa uu dib u cusbooneeysiiyay amarkiisi ahaa in lala dagaalamo burcad badeedda ku sugan biyaha Somalia.

Kalfadhi uu goluhu yeeshay ayuu ku taageeray hawgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ujeeddadiisu tahay sidii loo gabagabeyn lahaa hawlaha burcadda ee xeebaha Somalia.

k
Markabka Sirius Star waa kii ugu weynaa ee burcad badeed ay qabsadaan taariikhda

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa sidoo kale soo jeediyey in dacwado lagu soo oogo burcad-badeedda, marka la qabto.

Ugu yaraan 100 weerar oo burcad-badeeddu ay ku qaadeen maraakiibta mareysa Gacanka Cadan ah ayaa ka dhacay biyaha Somalia tan iyo billowgii sanadkan 2008.

Ka sokow dhowr iyo tobanka markab ee gacanta ugu jira, burcad-badeeddu waxaa u afduuban in ka badan 200 oo ah shaqaale ajnabi ah oo maraakiibtaas ka shaqeynayey.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin