http://www.bbcsomali.com

08 Juun, 2010, 19:02 GMT; 22:02 SGA

Soomaali doon la degtay

Ciidamada booliiska waddanka Mozambique ayaa sheegay in dooni siday in ka badan 80 qof oo Soomaali ah oo si sharci darro ah ku soo galay halkaasi ay ku quustay xeebta waqooyi toddobaad ka hor.

Booliiska ayaa sheegay in la bedbaadiyay ilaa 30, sagaal qofna meydkooda la helay, halka ugu yaraan 40 kale la la'yahay.

Saraakiisha booliiska Mozambique waxay sheegeen in soo galootiga sharci darada ah uu yahay dhibaato ku sii kordheysa waddanka, qaar badan oo dadkaasi ayaa doonaya inay gaaraan wadamada deriska ah sida Koonfur Afrika.