Waa la qurxiyay, waxaana lagu xiray bambo

Gabar yar oo loo diray in ay isku dhex qarxiso meel dad badan ay joogeen.

Falmata waxay heleysaa qurxin - waa cillaan saar, waxaa loo mariyay lugaha iyo gacmaha.

Inta uu ka qalalayo, haween kale ayaa timaheeda ka shaqeynaya. Shanlo ayey haysataan oo ay ku kala bixineyaan timaha duuduubmay ee Falmata.

“Waxaa naloo fasaxay in aan doorano qaab kasta oo loo sameeyo cillaamka iyo tinta," ayey tiri Falmata. “Wuxuu cillaanka ku qallalayaa gacmeheena, lugaheena iyo mararka qaar qoorteena."

Falmata way ogtahay in ay qurux noqon doonto. Balse waxaa ka dhalanaya dhimasho.

Marka la qurxiyo ka dib, jaakadda isqarxinta ayaa loo xirayaa.

Falmata waxay ka mid tahay gabdhaha yaryar ee u badan toban jiro, oo mintidiinta Nigeria ay afduubteen kuna qasbeen in howlgallo ay u fuliyaan.

Waxaa xusid mudan in iyadu ka badbaaday.

Waxay ahayd 13 jir markii ay afduubteen laba nin oo mooto saaranaa, xilli ay u socotay guri qaraabadeeda oo ku yaalla meel u dhow xudduudda Cameroon.

Saacado ayey sii wadeen - Falmata waxay labada nin geliyeen dhexdooda, waxeyna gudaha u geliyeen keynta.

Ugu dambeyn, waxay gaareen meeshii ay ku socdeen - Xero wayn. Falmata ma aysan garaneyn meesha ay joogto.

“Waxaa meesha ku yaallay teendhooyiin iyo mudullo badan," ayey tiri, iyadoo si hoose u hadleysa.

“Gabdhaha yaryar waxaa lagu xareeyay teendho. Mideyda waxaa ku jiray sagaal kale, waxaana ku seexaneynay sajaayado waaweyn.”

Xerada waxaa lahaa Boko Haram, mintidiinta dagaalka dheer ugu jiro sidii ay shareecada Islaamka ugu soo rogi lahaayeen Waqooyiga Nigeria.

“Markii ugu horeysay, waxaan damcay in aan soo baxsado balse fursad ma helin," ayey tiri. Ragga oo dhan waxay ku sugnaayeen daafaha xerada si ay u qabtaan qofkii iskudeya in uu baxsado.

Wax badan kamaba soo wareegan oo Falmata waxaa lagu qasbay in ay mid doorato - in mintid loo guuriyo ama ay aado "howlgal".

Waxay diiday in la guursado. “Waxaan u sheegay in aan weli aad u yarahay," ayey tiri.

Laakiin fikrad oo dhan kama aysan haysan waxa uu ahaa "howlgalka".

"Howlgalka"

Marka koobaad, Falmata waxay cabsi ka qaaday xerada.

Xaaladda way xumeyd, dadka la haystay - dumar, gabdho, iyo caruur - waxay ka baqayeen in dagaal uu ku qabsado meesha kaas oo u dhexeeya dowladda iyo mintidiinta.

Gaar ahaan dumarka.

“Waxaan ka baqeynay in ciidammada ay soo weeraraan xerada, aysanna dadka kala soocin - dumarka, sababtoo ah waxay u qaadan karaan in aan xaasaska dagaalyahannada nahay," ayey tiri Falmata.

Haddii diyaaradaha qummaatiga u kaca ay cirka ka soo muuqdaan, dadka la soo afduubtay way baqayeen, iyagoo mooda in ciidammada Nigeria ay duqeyn rabaan xerada.

“Marka aan aragno, badankeena way oyn jireen," ayey sheegtay. "Qaarkood xitaa ciidda ayey isku gedin jireen.”

Nolosha xerada waa meel aan la iskudeyi karin.

Soo toos, tuko, cun, nadiifi, tuko, cun, nadiifi - maalinta oo dhan.

Casharro diini ah ayaa maalin kasta la siin jiray, saacado badan oo quraan xifdin ah.

Falmata waxay sheegtay in kastoo waxa xerada yaallay ay nacday, hadana in ay jecleyd barashada diinta Islaamka.

Maalin maalmaha ka mid ah, rafaadka nolosheeda maalin laha ahaa ee soo noqnoqonayay waa la carqaladeeyay.

Falmata waxaa u yimi koox hubeysan waxayna u sheegeen in nafteeda ay u diyaariso wax muhiim ah.

Lugaheeda waxaa lagu qurxiyay cillaan. Timahana waa loo
hagaajiyay.

Waxaa loo diyaarinayay aroos. Ma waxay ugu dambeyn noqotay in mintid ay guursato?

“Saaxiibtey Xaawa way ogolaatay in la guursado si ay u sii noolaato," Falmata ayaa sidaa tiri. "Waxay dooneysay in fursad ay ku baxsato ay hesho.

“Gabdhaha kale waxay ku neceen in ay guursato, anigana waan nacay, markii hore. Balse waan fahmay waana ka raaligeliyay, sababtoo ah maysan faraxsanayn."

Dumarka waxay Falmata ka caawiyeen diyaargarowga.

“Waxaan ka fikirayay oo dhan waxay ahaayeen 'ma guurbaa mise waa wax kale?' Balse ma weydiin kartid sababta laguugu sameynayo waxaan. Taasi bedelkeeda, saaxiibbadaada waxay ku siinayaan talooyin waxayna kuu sheegayaan in dalqaad aad muujiso."

Laba maalmood ka dib, waxaa dhexda loogu xiray suun bambo ka sameysan.

Falmata waxaa loo sheegay, haddii ay disho gaalada in ay jannada toos u galeyso.

Sida dumarka kale, waxay weerareysaa suuq ama meel kale oo dad badan ay joogaan.

“Aad ayaa u baqay, waxaan billaabay in aan ooyo. Laakiin waxay si joogto ah iigu sheegayeen in aan is dejiyo, si aan u aqbalo in taasi ay tahay waxa nolosha ka mid ah," ayey tiri.

“Haddii sidaas jannada lagu gaarayo wax kasta way wanaagsanaan lahaayeen."

Waxay sii raacday laba gabdhood - kuwaas oo bambooyiin lagu xiray - waxaana la geeyay duleedka tuulo aysan xitaa garaneyn.

Waxaa gacantooda ku jiray waxyabo yaryar oo lagu qarxiyo bamka.

Gabdhaha waxaa lagu amray in ay dhanka tuulada u socdaan. Qof baa kor idiinkala socda, ayaa lagu yiri.

Intii ay sii socdeen, waxay ka wada hadleen in ay "howlgalka" fuliyaan ama ay baxsadaan.

Ma wexey u sameynayaa sidii loo amray ama waxay iskudeyayaan in ay cararaan?

Waxay go'aan ku gaareen in aysan fulin weerarka.

Ka dib markii qof aysan aqoon uu weydiiyay in ay suunka soo bixiso, Falmata waxay ku dhex riday waddo ciid badan.

Waxyar ka dib, laba nin ayey waddada dhankeeda ku aragtay.

Waxay garatay in ay Boko Haram ka tirsan yihiin, markale ayuu waaga ku baryay.

Falmata mar labaad ayaa la afduubay.

Taariikh rabshado ah

Sanaa Mehaydali waxaa la aaminsan yahay in ay tahay haweeneydii ugu horeeyay ee isqarxisa, taariikhda casriga ah.

Gabadha oo 16-jir ahayd waxay dishay nafteeda iyo laba askeri oo Israa'iil u dhashay oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan, sannadkii 1985tii.

Tan iyo wixii ka dambeeyay, Kooxo kala duwan ayaa billaabay sida Xisbullah, Kurdiyiinta PKK, Tamil Tigerska Sri Lanka, Xamas iyo kooxda Black Widows ee Chechnya.

Laakiin Boko Haram waxay aad u dhaafsiisan tahay kooxah kale oo dhan marka laga hadlayo meesha uu gaarsiisan yahay xadgudubkooda, Sida laga soo xigtay Elizabeth Pearson, oo ka tirsan urur xiriir la leh machadka Royal United Service ee London.

Marka loo eego qiyaasteeda, boqollaal gabdho yaryar ayaa lagu qasbay in ay weerarro qaadaan, seddaxdii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka fuliyeen Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger.

Pearson waa qoraaga cilmi baaridda lagu sameeyay sida Boko Haram ay dumarka ugu adeegsato isqarxinta.

Markii ugu horeysay ee kooxda ay gabar ku qasabtay isqarxin waxay ahayd bishii June, 2014kii.

Isqarxinta ayaa lagu qaaday xero militari waxyar ka dib markii la afduubay 276 gabdhood oo iskuul dhigayay - kuwaas oo loo yaqaano gabdhihii Chibok.

Boko Haram Waxay afduubatay gabdho badan ka hor inta uusan dareenka caalamka si rasmi ah ugu soo jeesan, balse xilligan wuu ka duwanaa.

Afduubka gabdho badan oo ay hal mar ka kexeystee iskuul ku yaalla gobolka Borno wuxuu sababay xanaaq caalami ah.

“Wuxuu weerarkan noqday mid caan ka ah dunida oo dhan, waxay weerarrada u adeegsan jireen wiilal isqarxiya. Waa sababtaa midda keentay in ay sii wadaan isticmaalka gabdhaha," ayey tiri Pearson.

Fatima Akilu Waxay ku taqasustay cilmu-nafsiga, waana agaasimaha hay'adda Neem, taas oo daaweyn dhanka maskaxda ah u sameysa bulshooyiinka ay saameysay Boko Haram. Waxay la shaqeysay dumar waaweyn iyo gabdho yaryar oo laga soo badbaadiyay Boko Haram.

Waxay sheegeysaa in markii hore ay wiilal yaryar u badnaayeen weerarrada isqarxinta - kuwaas oo la dhacay fikradda iyo hadallada Boko Haram.

“Inta badan iskood ayey go'aanka u gaari jireen sababtoo ah waxay aaminsanaayeen in jannada ay toos u galayaan," ayey tiri.

“Laakiin markii duullaanka militariga [Nigeria] uu xoogeystay, dhallinyaradii ragga ahaa ee isqarxin jiray ayaa aad u yaraaday, marka Boko Haram waxay bilowday in ay afduubato gabdhaha yaryar si ay howlgalo isqarxin u fuliyaan.

“Fikradda waa in ay weerarrada u qaadaan sikastoo ay awoodaan, una sii socdo gumaadkan, argagaxan."

Waxayna u muuqataa in aysan jirin da' xaddida arxan daradan.

Bishii Desember ee 2016kii, laba gabdhood oo jiray toddobo ama siddeed sano ayaa isku kala qarxiyay suuq ku yaalla Waqooyi-bari, Nigeria. Hal qof ayey dileen, 17kalena way dhaaweceen.

Waxaa gabadhaasi loo xiray suunka isqarxinta, waxayna dishay nafteena iyo shan qof oo kale, waxayna dhaawacday 19 kale ka dib markii ay isku dhex qarxisay suuqa Potiskum, waqooyi bari Nigeria.

Baxsashada

Ka dib markii la afduubtay mar labaad, Falmata waxaa dib loogu celiyay keynta. Markan xero cusub ayaa la geeyay.

Kuwii afduubtay waxay ka tirsanaayeen qeyb kale oo Boko Haram ah, mana aysan ogeyn in ay ka soo baxsatay isqarxin loo diray. Haddii ay ogaan lahaayeen, waxaa suuragal ah in ay dili lahaayeen.

Nolosha xeradan waxay la mid ahayd middii hore.

Nolosha maalinlaha ahna sidii unbay ahayd - cunid, nadiifin, tukasho, quraan akhrin iyo seexasho.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Neem, dumarka iyo caruurta laga soo badbaadiyo Boko Haram waxay aalaaba la qabsadaan fikradaha kooxda, inta ay ku hoos nool yihiin maamulkooda.

“Dad badan oo aan la kulannay, kuwaas oo ku soo noolaa xeryahaasi, aqoon fiican horay umaysan lahayn, ha ahaato diini ama maadi," ayey tiri Dr Akilu.

“Badankooda waxay quraanka barteen intii Boko Haram ay afduubka u haysatay.

“Waxay xeryahooda ku haystaan boqollaal qof, xaqiiqdii ma helaan wax maalinta oo dhan lagu mashquuliya, marka afar illaa shan saacadood ayey barashada diinta ku qaataan. Kuwa la haysto waxay ka helayaan diinta, waana istiraatiijiyadda lagu xagjireeyo."

Ka dib bil ama wax la mid ah markii ay xerada joogeen, Falmata markale waxaa la weydiiyay in mid ay doorato - guur ama howlgal.

Markale, way diiday guurka. Balse markan way ogtahay waxa uu yahay howlgal.

Waxaa loo mariyay cillaan, dhar qurux badanna waa la siiyay. Suun wayn oo waxyaabo qarxa ka sameysanna caloosha ayaa loogu xiray, waxaa loo xiray xijaab wayn, madaxana qamaar ayaa loogu xiray.

Balse markan, kaynta ayey ku dhex carartay isla markii ay ka tageen dableydii soo kexeysay.

"Waxaan arkay beeraley waxaana weydiistay in ay suunka iga bixiyaan. Waxaan u sheegay in la igu qasbay in aan howlgal fuliyo, balse aniga aanan dooneyn in aan fuliyo," ayey tiri.

“Way baqayeen balse way ii naxariisteen wayna iga bixiyeen.

Waxaa suuragal ah in ay u maleeyeen haddii ay diidaan in aan bamka qarxinayo oo aan dilayo dhammaan."

Falmata way ka tagtay beeraleyda waxayna maalmo ku jirtay keynta dhexdeeda, iyadoo raadineysay waddo ay u marto Maiduguri, iyo qoyskeeda.

Intii ay sii socotay waxay ku biirtay koox ugaarato ah oo u ogolaaday in ay la safarto inta ay duurka ku jiraan.

Laakiin ugaaratadii waxay weerar kala kulmeen dabley ka tirsan Boko Haram. Intuu jahwareerka socday, Falmata waxay maareysay in ay ku dhex dhuumato keedaha waaweyn ee keynta.

“Ma kala garaneyn kenyta. shanqar kasta waan ka baqayay, markan waxaan ku dadaalay in aan sii socdo. Keedaha baan ku dul seexanayay marka aan awoodo," ayey tiri.

“Isbuuc dhan ayaanan waxba cunin. Waxaan cabayay biyo meel fadhiya, sidoo kale waan ku waysaysanayay si aan u tukado.

“Maalintii illaa labo ama seddax goor baan tukanayay, haddii aan awoodo oo biyo aan helo. Aad baan u cabsanayay, laakiin Alle ayaa i caawiyay waxaana gaaray magaalo."

Qoys ku nool deegaanka ayaa dhowr maalmood siiyay meel ay seexato, waxayna ka caawiyeen in ay gaarto qoyskeeda oo ku nool Maiduguri.

Bilo ka dib markii ay soo baxsatay, Falmata way dhuumatay. Waxay ka baqeysay in maamulka ay sheekadeeda maqlaan oo ka dibna ay sooraadiyaan si loo xiro.

Gabadh yar oo iyada la mid ah waxay u baahan tahay in ay dib ula qabsato arrimaha qoyska, ayey tiri Dr Akilu.

“Waxay qoyskeeda ka maqneyd muddo dheer waxaana suuragal ah in waqtigaas ay isku bedeshay. Qoyska dhankiisana waxaa laga yaabaa in uu isbedelay oo ay murugadooda gaarka ah haysato."

Si la mid ah qoyska Falmata, qoysas kale oo badan oo ku nool Waqooyi-bari Nigeria waxaa kala qeybiyay dagaalka.

Hadda waxay hooyadeed kula nooshahay xero ay ku jiraan barakacayaal. Xaalladda way adagtahay, balse ugu yaraan qofna ma oga wixii ku dhacay.

Saameynta ka dhalata

Xaaladahan dhifka ah ee gabdhaha ay uga soo baxaan xeryaha Boko Haram iyagoo nool, gabdhaha Falmata la midka ah waxay wajahaan waqti aad u adag.

Inta badan kuwa aanan qarxin bamka lagu xiray ee soo baxsaday, waxay gacanta u galaan ciidammada amniga waxaana la geeyaa "xarumaha dhaqan celinta".

Kuwaasi waa xarumo ay leeyihiin ciidammada, wax badanna lagama garanayo waxa gudahooda ka socda.

Bartamihii Janaayo, ciidammada waxay sheegeen in ay siidaayeen kooxdii ugu horeysay ee "la dhaqan celiyay", inkastoo aan hadda la garaneyn meesha ay joogaan.

Kuwa yar ee isku deyay in ay bulshada ku dhex dhuuntaan iyagoo aan la ogaan, weli way qarsoon yihiin.

Gabadhaha yaryar ee ka soo baxsada xerayaha waxay dadka qaar ugu yeeraan "annoba". Taas micneheedu yahay sida "cudur faafa".

Gabadh kaste oo waqti badan la soo joogta mintidiinta waxay dad badan u arkaan in ay Boko Haram ka mid tahay, ayey sheegtay Dr Akilu.

“Waxaan u maleynayaa dadkaas ku dhex nool bulshooyiinkan, waa in ay eegaan ficilka, halkii gabadha laga eegi lahaa.

“Waxay eegayaan gabadha waxayna ku fikirayaan, "tan waa qof yar oo doonaysa in ay baabi'iso bulshadeena, sideen dib ugu celinaa?"

Waxay sheegtay in gabdhaha ay xasuusiyaan argagixii ay ku soo noolaayeen.

Boko Haram Waxaa loo arkaa in ay tahay kooxda geysata dilka ugu badan xilligan casriga ah. Tan iyo 2009kii, waxay dileen in ka badan 27,000 oo qof oo aan waxba galabsan - oo Muslimiin ay ka mid yihiin - tiradaas waxay ku dileen Nigeria oo keli ah.

Kuwa kaloo badan waxaa lagu dilay Cameroon, Chad iyo Niger. Dagaalka wuxuu barakiciyay in ka badan laba milyan oo qof.

“Ku dhowaad boqolkiiba 90 qowmiadaha ku nool waqooyi-bari Nigeria waxaa saameeyay Boko Haram. Ama kuwa ay jecelyihiin ayey ku waayeen ama qoys oo dhan," ayey tiri Dr Akilu.

“Marka gabdhaha ay dib u soo noqdaan, waxay la mid tahay argagixii ugu sareeyay. Waa dhibaato faquuqidda.

“Xaqiiqdii waqti kuma bixino in laga eegno dhanka fikradda gabadhaha, si aan u aragno sida ay u yihiin dhibbanayaal."

Markii labaad ee Falmata loo xiray bamka, waxay jirtay 14 sano.

Xilligaasi qoyskeeda waxay ka maqneyd in ka badan sannad.

Waxaa lagu hayay xeryaha mintidiinta waxaana la barayay waxyaabo ay xagjir ku noqoto.

Waxay hadda dhedhemisay xuriyadda, laakiin taasi waxay noqon kartaa mid muddo gaaban ah.

Haddaba, maxaysan u qarxin bamkii lagu xiray si sheekada ay u soo afjarto?

“Waxaan doonayaa in aan noolaado," ayey tiri.

“Dilka wax wanaagsan ma aha. Sidaas ayey qoyskeyga i bareen waana sida aan aaminsanahay."

Waxaa qoray: Vladimir Hernandez iyo Stephanie Hegarty
Sawirrada: Charlie Newland
Naqshadeynta: Zoe Bartholomew
Xogta shaxaafadeed: Nassos Stylianou
Soo saarista: James Percy
Tafatiraha: Kathryn Westcott