QM oo ka digeysa xaaladda abaarta

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Carruur saf ugu jirta raashin

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda abaarta Soomaaliya oo ka sii dareysa, oo ay suurtagal tahay in dhamaan gobollada koonfureed ay macluul ka dilaacdo.

QM waxa ay sheegtay in heerka macluusha iyo tirada dhimashada ay sii kordheyso.

Hey'adda qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya in dagaalyahaniinta al-Shabaab oo maamula inta badan koonfurta Soomaaliya ay weli xayiraad ku hayaan dhaqdhaqaaqa dad badan oo ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

In ka badan 12 milyan oo qof ayaa abaartu ay saameysay gobolka geeska Afrika.