Haweenka Sacuudiga oo xaq u yeelanaya doorashooyinka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dumarka Sacuudiga looma oggola inay baabuur kaxeeyaan

Boqorka Sacuudiga ayaa Abdalla Bin Abdelcasiis ayaa balanqaaday in haweenka Sacuudiga markii ugu horeysay ay ka qeybgali karaan doorashooyinka dowladdaha hoose ee dhici doona afar sano kadib.

Haweenka Sacuudiga ayaa hadda waxa heysta takoor ba'an oo ay ku jirto mamnuucid ka saaran inay baabuurta kaxeeyaan.

Boqor Cabdalla ayaa sheegay in haweenku ay hadda kadib codeyn karaan iyo inay iyaga doorasho u istaagi karaan, isagoo intaa ku daray in go'aankan uu yimid kadib wadatashi lala yeeshay culimada sarsare..

Boqorku waxa kale oo uu sheegay in haweenka sacuudigu ay xaq u yeelan doonaan inay ku biiraan golaha shuurada.