Dagaalka Suuriya: Saraqeb 'oo lagu weeraray chlorine gas'

Nin ayaa ku neefsanaya ogsijiin mask, ninka ayaa loo malaynayaa in gas lagu weeraray Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Video la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya weerarka ka dib

Helikobtar ayaa ku soo riday barmiilo laga shakisan yahay inay ku jiraan chlorine gas magaalo ku taala waqooyiga Suuriya, ayay sheegeen dhaqtar iyo shaqaalaha badbaadada.

Ilaa 30 qof ayay saamaysay weerarka, oo ka dhacay Saraqeb oo ku taala gobolka Idlib. Ma cadda cida masuul ka ah weerarka.

Labada dhinac ee dagaalka Suuriya ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen kiimiko, laakiin way beeniyeen.

Isniintii, helikobtar Ruuska leeyahay ayaa lagu soo riday meel u dhow Saraqeb.

Dr Abdel Aziz Bareeh, oo ka shaqeeya Saraqeb, ayaa BBC u sheegay in laba barmiil oo Chlorine gas ah lagu soo riday magaalada Isniintii waqti danbe.

" Waan ognahay inay chlorine tahay sababtoo ah hadda ka hor ayaa nalagu weeraray, waana naqaanaa sida ay u urto iyo jiradeeda. Waxaan haynaa 28 qofood oo jiran oo u badan dumar iyo carruur." ayuu sheegay dhaqtarka.

Calaamadaha lagu garto sunta chlorine waxaa ka mid ah indhaha oo ku xanuuna, maqaarka oo ku cuncuna, xumbo afka ka timaada iyo neefsashada oo dhib noqota.

Mowduucyada la xiriira