Diyaarad ay leedahay Emirates airline ayaa ku soo dhacday garoonka diyaaradaha ee Dubai iyadoo dagaysa

Diyaarada Emirates airlines Boeing 777-300 oo taagan garoonka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Meelihii sida degdegta ayaa laga arkayaa wixii ka haray diyaarada

Diyaarad Emirates airline ay leedahay ayaa ku dhacday iyadoo ku dagaysa garoonka diyaaradaha ee Dubai. Dhamaan 300 ee qof ee saarnaa diyaaradda ayaa ka badbaaday dabka shilka.

Diyaaradda ayaa u eg inay ku soo degtay caloosheeda, sawirrada ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya diyaaradda.

Boeing 777 ayaa u duulaysay Dubai iyadoo ka timid koonfurta Hindiya ee gobolka Kerala.

Dowladda Dubai ayaa sheegtay in dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada laga soo dajiyay si nabad ah, mana jiraan dhaawac la sheegay.

Diyaaradaha imanaya iyo kuwa duulaya ayaa la joojiyay dhowr saacadood, laakiin hadda dib ayay u bilaabmeen.

Dadkii saarnaa diyaarada ayaa u sheegay Reuters in ay ahayd wax naxdin badan.

" Inagoo degi rabna ayaan aragnay qiiq ka imanaya gudaha diyaarada ayay dhahday Sharon Maryam Sharji.

" Dadka way qaylinayeen si aad u adag ayaan u degnay.

" Waxaan degnay inagoo is ticmaalayna meelaha sida degdega looga, markaan ka baxaynay jidka garoonka waxaan arkaynay holac qabsaday diyaaradda oo dhan".

Emarites airline ayaa sheegtay inay saarnaayeen diyaarada 282 oo rakaab, 18 shaqaale oo ka kala yimid 20 waddan. Dadka intooda badan waxay ahaayeen Hindi, 24 British ah iyo 11 qof oo ka yimid UAE.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Diyaarada ayaa waxaa gaaray qasaaro badan

Markaad fiirisid burburka diyaaradda, lama malaysan karo in qofna uusan ku dhiman.

Waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya sababta ay u dhacday diyaaradda.

Diyaaradda ayaa loo jeedaa inay degtay iyadoo cagaha aysan u bixin.

Laakiin maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa sababta keentay shilka.

Mowduucyada la xiriira