Mareykanka askari argagixiso loo haysto

Askari ka tirsan booliska Washington Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mr Young wuxuu ka shaqeynayay gaadiidka Washington

Nin ka tirsan booliska gaadiidka ee magaalada Washington, ayaa lagu eedeeyay isku day qalab taageero ah uu ku siinayay kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

FBI-da ayaa sheegtay in ninkan oo lagu magacaabo Nicholas Young uu ahaa Mareykankii ugu horeeyay ee ka tirsan ciidanka ee lagu eedeeyay dambiyo argagixisada la xiriira.

Waxaa lagu eedeeyay inuu iibsanayay kaararka hadiyadaha ee barnaamijyada fariimaha teleefoonada mobile-ada oo dagaallamayaasha kooxda Khilaafada ka caawinaya inay isla xiriiraan.

FBI-da ayaa la socotay ilaa 2010kii. Sanadkii 2011kii ayuu Mr Young Libya la tagay qalab militari isagoo la kulmay falaagadii isku dayaysay inay xukunka ka tuuraan taliskii Mucamar Al-qadafi.

Mr Young ayaa wajihi doona xabsi gaaraya 20 sano hadii dambiga lagu helo.