Dalxiiseyaal ajaaniib ah oo Afghanistan lagu weeraray

Gobolka Bamiyan ee dalka Afghanistan ayaa soo jiitay dalxiiseyaal inkastoo dagaallo ka jiraan halkaas. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gobolka Bamiyan ee dalka Afghanistan ayaa soo jiitay dalxiiseyaal inkastoo dagaallo ka jiraan halkaas.

Malayshiyo laga shakisanyahay ayaa weerartay kolonyo waday dalxiiseyaal ajaaniib ah oo marayay galbeedka Afghanistan, lix ruux ayaana ku dhaawacantay.

Saraakiil u hadlay dawladda ayaa BBC-da u xaqiijiyay in tiro dalxiiseyaal ajaaniib ah oo u socday magaalada Herat oo ay weheliyeen ciidammada dawladda in weerar gaadmo ah lagu qaaday.

Jailani Farhad oo ah afhayeenka gafernatooraha Herat ayaa BBC u sheegay in dalxiiseyaashaas ay ka mid ahaayeen sideed British ah , saddex Maraykan ah iyo mid Jermal ah.

Dalxiisayaasha qaarkood ayaa dhaawacyo fududi soo gaareen, isbitaal ayaana lagu dabiibayaa.

Wadooyinka waawayn ee dalka Afghanistan ayaa halis ah, malayshiyaadka ayaana weeraro ka gaysta, afduub ayaana si joogto ah uga dhaca.

Mid ka mid ah darawaladii oo Afghanistan u dhashay ayaa isna dhaawacmay.

Lama aqoonsanin cidda weerarkaas ka dambaysay laakiin shakiga ayaa dul fuuliya Taliban oo sare u qaaday weerarrada ay dalka ka gaysato.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka gaadmada ah uu ka dhacay degmada Chesht-e-Sharif oo ku taalla jidka Herat loo sii maro, ciidammo xoojin ah ayaa loo diray aagaas.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Herat ayaa leh goobo badan oo qadiimi ah

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Sediq Sediqq ayaa Afghanistan's Tolo news channel u sheegay in dalxiiseyaashaasi ay ka yimaadeen Bamiyan ayna u sii socdeen Herat iyaga oo sii maraya Ghor.

Inkasta oo dagaallada jabhaduhu ay jiraan haddana dalka Afghanistan waxaa booqda dalxiiseyaal tiro yar sanad walba.

Gobolka Bamiyan ayaana si gaar ah caan ugu ah dalxiisayaasha ay soo jiitaan dhaqamada qadiimiga ah iyo quruxda dabiiciga ah ee dhulka.

Image caption Khariirad

Mowduucyada la xiriira