Mindiyeenta London : Nin Soomaali ah ayaa loo xiray weerar ka dhacay bartamaha London ee Russell Square

Askari taagan goobta weerarka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Jidka weerarka ka dhacay ayaa la xiray iyadoo ay socdaan baaritaano

Nin ayaa la xiray iyadoo lagu tuhunsan yahay dilay ka dib markii qof dumar ah lagu dilay shan kalena la dhaawacay weerar mindi oo ka dhacay Russell Square, ee bartamaha London xalay.

Boliiska ayaa loo yeeray xalay in nin uu dhaawacay dad, oo ay ku jirto hal qof oo haween ah oo 60 jir ah oo dhimatay.

Nin sagaal iyo toban jir ah ayaa la xiray 22.39 PM xalay, ka dib markii Taser uu ku suuxiyay boliiska ninka. Boliiska ayaa sheegay ninka Soomaaliga oo ka yimid Norway in caafimaad maskaxdiisa ay sabab wayn u tahay weerarka.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa dadka ugu baaqay deganaan iyo taxadar.

Laba qof oo kale oo dumar ah iyo saddex nin ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan weerarka ayay sheegay boliiska.

Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ku jira isbitaal, halka saddex qof ay isbitaalka laga bixiyay sida uu boliiska sheegay.

Ninka weerarka qaaday ayaa laga daaweeyay dhaawacii soo gaaray, ka dibna loo wareejiyay saldhiga boliiska.

Gudoomiye ku xigeenka boliiska ee hawlgalada gaarka ah, Mark Rowley, ayaa sheegay in qaybta boliiska ee qaabilsan dilka ay hogaaminayso baaritaanka weerarka, iyadoo taageero ay ka helayso qaybta ka hortaga argagixisada.

Paul O Geibheannaigh, oo degan meesha agteeda, ayaa sheegay inuu arkay maydka qofka dumarka oo jidka yaala, goobtana ay joogeen boliis badan oo hubaysan

" Ma aanan arag boliis sidan u badan oo jooga goobta tan iyo 7/7, ayuu dhahay, isagoo ka wada weerakii argagixiso ee London lagu qaaday July 2005-kii.

Isagoo ka hadlaya sababta weerarka, boliiska ayaa sheegay in baaritaankooda la eegi doono argagixiso inay ka mid tahay sababta weerarka.

Image caption Teendhooyin baaritaanka forensics lagu samaynayo ayaa laga sameeyay meesha weerarka uu ka dhacay ee Russell Square oo ah meel aad mashquul u ah bartamaha London, oo ay u dhow yihiin hoteelo iyo Matxafka Britishka