Israa'iil: Masuul hay'ad ayaa Xamaas lacag siiyay

Halabi ayay Israa'iil u haysataa lacag gargaar in uu Xamaas siiyay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Halabi ayay Israa'iil u haysataa lacag gargaar in uu Xamaas siiyay

Israa'iil ayaa dacwad ku soo oogtay nin Gaza masuul uga ah hay'ad gargaar oo caalami ah iyada oo u haysata in uu malaayiin doolar oo gargaar ah oo ajaaniib bixiyeen in uu u weeciyay ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta.

Adeega ammaanka gudaha ee Israa'iil ayaa Maxamed Al-xalabi waxay ku eedeeyeen in uu muddo sanad ah uu Xamaas u weeciyay in ka badan 7 milyan oo doolar, ama boqolkiiba 60 dhammaan dhaqaalihii ay Marinka Gaza ku bixisay hay'adda Kirishtaanka ee World Vision.

Xalabi oo la xiray bishii June ayaa lagu eedeeyay in Xamaas ay qoratay toban sano kahor.

Hay'adda World Vision ayaa sheegtay in ay barnaamijkeeda Gaza ku sameyso xisaab xir joogta ah, aysanna jirin sabab loo rumeysto eedahaasi.

Hay'addu waxay intaas ku dartay in ay aad oola yaabtay eedaymahaas.

Haddii cadayn la keeno si taxadar leh ayaan u baari doonaa go'aan ayaanna ka gaari doonaa ayay tiri hay'addu.

Mowduucyada la xiriira