Qaxootiga Suuriya oo gargaarkii ugu horreeyey helay

Aysha Elwan, waa 5 jir qaxooti ah, waxayna guraysaa xaabo ay qoyskoodu dabka ku shitaan. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tirada qaxootiga Suuriya ee xudduudda Urdun ku xayiran oo bilihii la soo dhaafay badatay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in markii ugu horraysay muddo todobaadyo ah gargaar la gaarsiiyey qaxootiga Suuriya ee ku xayiran xudduudda Urdun.

Koox ka kooban hay'adaha gargaarka ayaa sheegay inay dhamaystireen geynta raashin bil la isticmaali karo iyo qalabka fayadhowrka.

In ka badan 75,000 oo qof ayaa gargaar la'aan ahaa taniyo bishii Juun, markaasoo Urdun ay xirtay xudduuddeeda, ka dib weerarro ay halkaa ka gaysteen kooxda dawladda islaamiga.

Qaxootiga ayaa la sheegay in aysan haysan cunno iyo biyo ku filan, ayna ku hoydaan guryo cooshado ah, ayadoo heerkulkana uu gaarayo ilaa 50C.

Image caption Maab muujinaya halka ay ku yaallaan xeryaha qaxootiga ee Rukban iyo Hadalat

Hay'adda WFP ayaa sheegtay in dayaaradaha bilaa duuliyaha ah loo adeegsaday markii ugu horraysay in lagula socdo qaybinta gargaarka oo ay ku jiraan Sokor, Digirta nafaqaysan, Bariis, Timir iyo Rooti.

Jawaanno ay ku jiraan cunto iyo waxyaabo kale ayaa laga soo tuuray wiishashka yaalla dhinaca xudduudda Urdun si gawaari looga saaro dhinaca Suuriya.

Urdun waxaa ku sugan in ka badan 655,000 oo ka mid ah 4.85 Malyan ee ah Suuriyiinta qaxooti ahaanta ugu diiwaan gashan Qaramada Midoobay.

Mowduucyada la xiriira