Salva Kiir oo aqbalay ciidan goboleed

Colaadda South Sudan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kiir iyo Machar ayaa dhawaan ku dagaallamay Juba

Dowladda South Sudan ayaa aqbashay in dalkeeda la geeyo ciidan gobolka ka socda oo gacan ka geysta sidii lagu badbaadin lahaa heshiiska nabadeed ee colaadda dalkaasi laga gaaray.

Madaxda dalalka IGAD oo shalay arrinta South Sudan uga shiray caasimadda Addis Ababa, ayaa ku heshiiyay in haddii uu Riek Machar dib ugu laabto caasimadda Juba, uu dib ula wareegi doono xilka madaxweyne ku xigeenka koobaad, kaasoo dhawaan loo magacaabay Taban Deng.

Balse madaxda IGAD ayaan shaacin xilliga uu howlgalayo ciidanka ay u dirayaan South Sudan, tiradiisa iyo dalalka uu ka imanayo.

Xukuumadda Juba ayaa horay u diiday ciidan dheeraad ah oo dalkaasi la geeyo, balse cadaadis kaga yimid beesha caalamka ayaa la rumeysan yahay in ay ku aqbashay.

Dagaal dhawaan ciidanka madaxweyne Salva Kiir iyo xooggaga taabacsan Riek Machar ku dhexmaray caasimadda Juba, ayaa dhaliyay walaac ah in uu dib u qarxo dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013.