Mucaaradka Suuriya oo ka gudbay go'doominta dowladda

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Waa muuqaal lagu sheegay inuu muujinayo in mucaaradka ay sii galayaan Xalab

Wararka laga helayo dalka Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga mucaaradku ay ku guuleysteen inay helaan gargaar.

Waxa ay mucaaradka ka gudbeen jidgooyooyiinka dowladda ay dhigtay magaalada Xalab.

Gaari xamuul ah oo siday qudaar ayaa gaaray bariga magaalada Xalab oo mucaaradku ay maamulaan.

Laakiin dadka u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in wadadaasi ay weli halis ku tahay dadka rayidka ah in ay maraan.

Ciidammada dowladda weli wey diidan yihiin in mucaaradku ay ka gudbeen qadka go'doominta kaddib dagaal aad u xoog badan oo Sebtidii dhacay.

Wuxuu maamulka Asad ku adkeysanayaan in bariga Xalab weli ay go'doon ku jirto oo aan la jabinin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad Suuriyaan ah oo isu soo baxay kadib markii Mucaaradka ay sheegteen inay ka gudbeen go'doominta dowladda
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka waxay sheegeen inay wado cusub u fureen magaalada Xalab
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada waxay dowladda u go'doonsaneed muddo isbuucyo ah
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qiyaastii 250,000 oo Suuriyaan ah ayaa ku nool bariga Xalab oo mucaaradka ay maamulaan, dowladuna ay go'doomisay
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka dabaaldegaya waxaa kamid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee mucaaradka

Laakiin weli waxaa Xalab ka socda duqeymo ay ciidamada dowladda Suuriya ka geysanayaan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Jabhadda ciidammada xorta ah ee Suuriya ayaa siidaayay muuqaal muujinaya qarax wayn oo ka dhacay degmada Ramouseh