Socodka nabadda ee Islii ka dhacay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Socodka nabadda ee Islii ka dhacay

Boqolaal ka mid ah dhallinyarada xaafadda Islii ee Nairobi ayaa shalay socod ku maray jidadka xaafaddaasi, arrintaasi ayaa qayb ka ahayd wacyigelin loo sameynayo dhallinyarada loo arko inay caqabad ku yihiin amniga xaafadda, isla markaana waxay dalbanayeen in booliska iyo dadweynahu ay iska kaashadaan sugidda ammaanka.

Waxaa socodka qaban qaabisay xarunta Tawakal oo ka shaqeysa wacyigelinta dhallinyarada.

Dr Cabdiqaadir Xuseen Warsame oo ah maamulaha xaruntaasi ayaa weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan uga warramay socodkaasi iyo ujeedada laga lahaa.