Dawladda East Timor iyo dadkeeda oo yaxaasyo isku maandhaafay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawladda East Timor iyo dadkeeda oo yaxaasyo isku maandhaafay

Dawladda East Timor ayaa samaynaysa goob lagu xanaaneeyo yaxaaska, si looga faa'iidaysto hilibkiisa, haragana loo iibgeeyo.

Dadka deegaanka ayayse arrintaasi ka caraysiisay sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in uu barakaysan yahay oo ay qalad tahay in la dilo, la qalo ama waxyeelo kaleba loo gaysto.

In dadku yaxaasyada barakaystaan ayaana soo ahayd dhaqan soo jireen ah.

Warkan waxaa soo dirtay Rabbeca Henschke, waxaa soo jeedinaya Xasan-Deeq Cabdullaahi Haybe.