Aqalka Sare ee Brazil oo ka doodaya arrinta Roussef

Brazil Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Aqalka Sare ee Brazil

Aqalka sare ee senate-ka Brazil ayaa wada doodo la xiriira dacwada xasaanadda looga qaadayo madaxweynihii hore Dilma Roussef.

Doodan ayaa loo ogol yahay in dhamaan xubnaha senate-ka ay hadalo ka jeediyaan.

Doodahan ayaa socon doona ilaa caawa.

Cod hal dheeri ah ayaa loo baahan yahay si dacwadahani loo furro.

Aqalka senate-ka ayaa shaqada ka joojiyay madaxweynihii hore kaddib markii musuqmaasuq lagu eedeeyey.

Balse haweenaydani ayaa diiday in ay ku lug lahayd wax la xiriira musuqmaasuq.