Urdun oo ka faa'idaysatay ogolaasho shaqo ee la siiyay qaxootiga Suuriya

Beeralay reer Urdun ah
Image caption Shaqaalaha qaxootiga ayaa waxaa ka faai'daystay beeralayda Urdun sida ninkan isagoo awal shaqaalaha ka keensan jiray waddamo kale.

Beer dhexdeeda oo ku taalo meel dibadda ka jirta magaalada Ramtha ee Jordan, ayaa koox qaxooti reer Suuriya ah ay ka shaqaynayaan beer barbarooni ah, iyadoo ay qoraxdu kulushahay

"Waxaan ka sameeyaa abuuris iyo falid beerta" ayay tiri iyadoo dambiisheeda qudaarta ku shubaysa jawaan uu hayo walaalkeeda oo la shaqaynayo, waa shaqo la mid ah midaan ka qaban jirnay magaaladeena Homs" ayay tiri.

Qaxootiga ayaa waqti dheer ka shaqaynayay si sharci daro ah beeraha Jordan, laakiin waxay qatar ugu jireen in loo masaafuriyo Suuriya haddii la qabto iyagoo shaqaynayo.

Hadda waxay heli karaan ogolaasho shaqo oo lacag aysan dhiibayn.

" Waan dareemaynaa farqiga" ayuu dhahay Maxamed." Markii hore kama shaqayn karin banaanka si fudud, mar walba boliiska ayaan ka dhuuman jirnay, ogolaashada shaqada aad ayay u fiican tahay."

In ka badan 650,000 qaxooti reer Suuriya ah ayaa ka diiwaan gashan Urdun (Jordan). Laakiin dowladda ayaa u ogolayd oo kaliya inay shaqeeyan dhowr kun oo kaliya.

Waxay dowladda ka walwal sanayd inay hoos u dhigto mishaarka, inay shaqooyinka ka qaataan dadka reer Urdun iyo inay dhiiri galiso inay waddanka sii joogaan, oo nacayb loo qaado.

Hadda dowladda ayaa doonaysa inay tijaabiso in joogista qaxootiga Suuriya ay faa'iido u keeni karto dhaqaalaha.

Faa'iidada ay helayaan labada dhinacba

Ilaa 350 reer Suuriya ayaa ka shaqeeya beerta al- Rahman.

"Aad ayay noo caawisay. Waxay naga caawisay inaan u baahnayn in shaqaale laga keeno dibadda. Waxay sidoo kale naga caawisay inay lacag noo dhaqaalayso" ayuu sheegay Jamal Alzoubi oo leh beerta

Image caption Urdun ayaa beegsanaysa inay shaqaalayso 200,000 oo reer Suuriya ah
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Deeq bixiyaasha ayaa doonaya inay dhimaan caawinaada ay qaxootiga u baahan yihiin

" Waxaan shaqaalayn jirnay Masaari aan siin jirnay $2.80 saacadii. Iyaga ayaan ku tiirsanayn. Markii Suuriyiinta ay imaadeen waxay hoos u dhigeen mishaarka. Waxaan yeelanay shaqaale badan, waxaana bilaabnay inaan falno dhul badan. hadda waxaan leenahay dhul wayn."

Suuriyiinta beerta ka shaqeeya ayaa ka imaaday xero qaxooti oo u dhow beerta. Waxaa la siiyaa quraac iyo hal dinar saacadii. Mr Alzoubi ayaa aaminsan in labada dhinac ay ka faa'iido u tahay.

"Hadda dadkan waxay u nool yihiin si sharaf leh, xerada ay ku nool yihiin way adag tahay nolosha, hadda way bixi karaan, waxay aadi karaan suuqa, waxay haystaan ogolaasho shaqo. Dhib ma qabaan" ayuu yiri.

Daqaalaha Urdun ayaa koraya oo kaliya 2.4% sanadkii. Waxaa qasaaro ka soo gaaray ganacsigii ay la lahayd waddamada dariska ee Ciraaq iyo Suuriya oo dagaal uu ka socdo, waxaana waddanka lagu leeyahay amaah badan.

Hadda waxaa la siinayaa taageero caalami ah.

Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Urdun uu siinayo $100 milyan oo amaah dulsaar la'aan ah. Bisha danbe waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo $300 Milyan oo ah barnaamij lagu soo jiidanayo maalgashiga, lagu badalayo sharciga shaqaalaha laguna samaynayo shaqooyin.

Waxaa la beegsanayaa in Urdun ay shaqaalayso 200,000 oo reer Suuriya ah.

Midowga Yurub, ayaa doonaya in qaxooti badan shaqo loo abuuro, si ay u helaan nolol fiican, ayna u yaraadaan dadka imanaya Yurub.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa u balanqaaday Urdun inay u sahlaan ganacsiga ay la leedahay Midowga Yurub.

Ilaa hadda 20,000 oo qof ayaa la siiyay ogolaasho shaqo, laakiin dadka reer Suuriya ayaa u baahan waxyaabo badan si ay u helaan nolol fiican.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rubac miisaaniyada Urdun ayaa lagu qarash gareeyaa in lagu caawiyo qaxootiga, ayuu sheegay Boqor Cabdullah

Mowduucyada la xiriira