Burundi oo lagu eedeynayo tacaddiyo baahsan

Rabshadaha Burundi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burundi waxaa horey uga dhacay muddaharaadyo rabshado wata.

Guddiga Qaramadda Midoobay u qaabilsan diwaangellinta falalka jirdilka ayaa maanta lagu wadaa inuu shaaca ka qaado eedaymo sheegaya in dawladda Burundi ay gaysato jirdil baahsan.

Dalka Burundi ayaa jahwareer siyaasadeed galay horraantii sanadkii 2015-ka, markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go'aansaday in uu mar seddaxaad u tartamo madaxtinimada.

Arrintaasi ayaa dalka muran wayn ka dhalisay, waxaana mar dhacay afgembi dhicisoobay.

Tan iyo markaasi, Qaramada Midoobay waxay dalka Burundi ka diwaangalisay 6000 oo kiis oo jirdil ah.

Rabshadaha dalkaasi waxay horseedeen in kumanaan kun oo qof ay barakacaan oo qarakood ay qaxooti hadda ku yihiin dalalka deriska.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa magaaladda Nairobi kula hadlay BBC-a Tomi Oledipo, waxa ayna sheegeen in tacadiyo kala duwan loogu gaystay gudaha dalka Burundi.

Dowladda Burundi ayaa dhowr jeer ooh ore diiday in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalkaasi.