Boko Xaraam oo muuqaal hore leh ka soo saartay gabdhihii Chibok

Gabdhihii laga afduubtay Chibok Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gabdhihii laga afduubtay Chibok

Kooxda Boko Xaraam ee Nigeria, ayaa soo saartay muuqaal ay ku sheegayaan inuu yahay gabdhihii iskuuleyda ee laga afduubtay magaalada waqooyiga ku taal ee Chibok in ka badan labo sano ka hor.

Muuqaalka, ayaa lagu arkay nin wajiga u xiran yahay oo hubeysan gadaalna ay ka taagan yihiin haween tiradoodu lagu qiyaasay ilaa konton. Dhowr ka mid ah haweenkaas, ayaa u muuqday kuwa ilmada iska tirtiraya. Waxayna mid ka mid ah haysay cunug yar.

Muuqaalka, waxa uu ku bilaabanayaa nin wajiga u duuban yahay oo qori sita. Ninka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah gabdhaha ay dhaawacmeen oo ay qabaan dhaawacyo halis ah iyadoo 40 la guursaday.

Dowladda ayaa sheegtay inay la xiriirta xagjiriinta soo daayay muuqaalka video.Horaantii sanadkan ayey u suurogashay inay soo baxsadaan koox ka mid ah labada boqol iyo sagaashanka gabdhood ay Boko Xaraam afduubatay bishii May sanadkii 2014kii.

Waxa ay ku sugan yihiin gabdhaha kale ayaan la ogeyn.