Somaliland iyo Baanka Adduunka oo heshiis gaaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland iyo Baanka Adduunka oo heshiis gaaray

Hay'adda shaqaalaha dawladda Somaliland iyo baanka adduunka ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ku saabsan tababaridda iyo horumarinta shaqaalaha oo ay ku baxayso toban milyan oo dollar, socona doona muddo shan sano ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa qodobada heshiiska iyo xaaladda shaqaalaha dawladda ka wareystay gudoomiyaha hay'addaasi Maxamed Maxile Boqorre.