Kaararka aqoonsiga oo lagu amray inay qaataan dadka reer Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka reer Muqdisho ayaa lagu amray inay qaataan kaararka aqoonsiga haddii ay qaan gaar yihiin

Magaalada Muqdisho dadweynaha ayaa bilaabay in ay qaataan kaarka aqoonsiga ee teesare munishiibiyo, kadib markii amar ka soo baxay laamaha ammaanka ee dawladda lagu sheegay in qof kasta oo qaan gaar ah oo ku nool caasimada in uu qaato kaarka cadaynaya muwaadinimadiisa.

Saraakiisha ammaanka ayaa aaminsan in tani gacan ka siin ysan doonto in la joojiyo weerarada abaabulan ee magaalada ka dhaca, iyo in raad raac lagu sameeyo dadka danbiyada gala.

Dadweynaha ayaa ka cabanaya in qiimaha kaarka lagu qaadanayo oo ah 17 dollar uu yahay mid aad u sareeya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.