Qaraxa Turkiga: Weerarka boliiska ayaa dilay 12 wuxuuna dhaawacay 219

Qasaaraha qaraxa Elazig (18 August) Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxa Elazig ayaa baabi'yay saldhig boliis iyo baabuur u dhow

Laba qarax baabuur ayaa lagu weeraray saldhigyo boliis ee magaalooyin Turkiga, iyadoo ay ku dhinteen 12 qof, ayna dhaawaceenugu yaraan 219 oo kale.

Weerarkii koowaad ayaa la beegsaday saldhig boliis oo ku yaala magaalada Van, iyadoo ay ku dhinteen hal boliis iyo laba rayad ah. 73 qof ayaa ku dhaawacmay.

Saacado ka dib, saldhig boliis oo ku yaala Elazig ayaa la weeraray, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex boliis kuna dhaawacmeen 146 qof.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa ku eedeeyay weerarka kooxda Kurdishka ee PKK .

PKK ayaa qaado weerar bobm oo beegsanaya boliiska meelaha ay degan yihiin Kurdiyiinta ee koonfur bari waddanka , tan iyo intii ay burburtay xabad joojinta u dhaxaysay dowladda iyo PKK sanadkii hore.

Dagaal Socda

Sawiro TV-ga laga arkayoayaa muujinaya qiiq ka imanaya dhismihii boliiska oo burburay magaalada Elazig.

Awoodii qaraxa ayaa kala tuurtay baabuur u dhawayd goobta, geedihii dumisay, waxayna samaysay god wayn dhismaha hortiisa.

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay laba weerar oo lagu qaaday baabuur boliis meel u dhow Diyarbakir iyo Kiziltepe toddobaadkii hore.

Tan iyo inqilaabkii la isku dayay Turkiga bishii hore, waxaa jiray hadalo in waddanka midoobo.

Laakiin kuma jirto xisbiga Kurdishka oo ay dowladda Turkiga sheegayso inuu taageero PKK, ayuu ku soo waramaa wariyaha BBC ee Mark Lowen. xisbiga HDP ayaa beeninaysa inay xiriir la leedahay mintidiinta.

Mowduucyada la xiriira