Mauritania oo xirtay hawlwadeenno diiddan addoonsiga

Mauritania addoonsi Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Isku raranka ay deggan yihiin dadka madowga ah ee dalkaasi Mauritania.

Hawlwadeenno u ololeeyo ka hortagga addoonsiga ayaa xabsi lagu xukumay dalka Mauritania sababo la xiriiro dibadbaxyo rabshado dhaliyay oo bishii June ay ka dhigeen dalkaasi.

13 hawlwadeen ayaa lagu xukumay inta u dhaxeysa saddex sano ilaa 15 sano oo xarig ah kaddib markii lagu eedeeyay in ay kacdoon ka sameeyeen dalkaasi.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in ay qabteen kulan iyaga oo hubeysan isla markaana ay ka tirsanaayeen urur dalka sharci darro ka ah.

Hawlwadeennadani ayaa ka dibadbaxayay dad xoog looga rarayay xaafad isku raran ah oo ku taala magaalada caasimadda ah ee Nouakchott.

Hawlwadeennadani ayaa ku doodayay in dadkani oo asal ahaan ka soo jeeda dadka madowga ah ee la addoonsan jiray ay wali ku nool yihiin nolal gumeysi ah.

Dalka Mauritania ayaa rasmiyan mamnuucday addoonsiga sanadkii 1981.