Guddiga olimbikada Mareykanka oo raalligeliyay reer Brazil

James Feigen ciyaartooy reer Mareykan ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption James Feigen oo ka mid ah ciyaartooyda sheegtay in la dhacay.

Guddiga Olimbikada ee dalka Maraykanka ayaa raalligelin u jeediyay shacabka reer Brazil kaddib markii afar ciyaartooy Mareykan ah ay sheegeen been ahady in qori caaraddii lagu dhacay gudaha magaalada Rio ee dalkaasi Brazil.

Guddigani ayaa sheegay in ay raalligelin ka bixinayaan waxa ay ku tilmaameen dabeecadaha aan la aqbali karin ee ay ku kaceen afartaasi ciyaartooy.

Booliiska dalka Brazil ayaa su'aalo waydiiyay saddex ka mid ah ciyaartooydani oo billado dahab ah ku guulaystay "waxayna sheegeen in aan la dhici.

Gunnar Bentz iyo Jack Conger oo ka mid ah afartaasi ciyaartooy ayaa loo ogolaaday in ay magaalada Rio ka duulaan habeenimadii Khamiista oo ay ku laabtaan Mareykanka.

Ciyaaryahanka kale ee lagu magacaabo James Feigen ayaa Arbacadii laga reebay diyaarad ka duulaysay magaalada Riyo, si su'aalo loo waydiiyo walina wuxuu ku sugan yahay dalka Brazil.

Ciyaaryahanka kale ee isna lagu magacaabo Lochte ayaa markii hore sheegay in afartooduba lagu dhacay Taksi iyaga oo ka yimid baar.

Laakii madaxa booliiska magaalada Rio, Fernando Veloso ayaa sheegay in aan wax dhac ah loo gaysanin afartaas ciyaartoy.

Taasi badalkeedana wuxuu sheegay in mid ka mid ah ciyaartoydaasi uu jajabiyay suuli ama musqul ku taalla kaalin shidaal lana waydiistay in uu bixiyo kharashka waxyeelada uu gaystay.

Wuxuuna intaasi ku daray in uu lacagta bixiyay markii uu arrinta soo farageliyay waardiye hubaysan oo qori la soo baxay kaddib markii mid ka mid ah ciyaartoydani uu u dhaqmay si aan laga filaynin.