Putin oo sheegay in uusan xiriirka u jarayn Ukraine

xiriirka Ruushka iyo Ukraine Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Ruushka

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uusan xiriirka diblomaasiyadeed u jareynin dalka Ukraine, inkastoo uu xukuumadda Kieve ku eedeeyay abaabulka duullaan ka dhan ah dhulka lagu muransan yahay ee Crimea.

Madaxweyne Putin oo booqanayay gobolkaasi oo uu Ruushka ku soo darsaday dalkiisa sanadkii 2014-kii, ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Kiev ay isku dayday in ay xasillooni darro ka abuurto Crimea, sababtoo ah buu yiri diyaar uma ay aha in ay bariga dalkeeda ka dhaqan geliso heshiiskii xabbad joojinta.

Heshiiskii Minsk ee la saxiixay muddo haatan laga joogo labo sano iyo bar ayaa dhigayay xabbad joojin ka dhaqan gashaa bariga dalkaasi, basle waxaa marar badan dhacayay isku dhacyo, waxaana xiisadda hadda ka soo cusboonaatay gobolkaasi ay abuurtay cabsi laga qabo in dagaal buuxa uu halkaasi ka qarxo.