Dowladda Suuriya oo duqeeysay maleeshiyaadka Kurdiyiinta

Kurdiyiinta Suuriya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya

Dadka ku dhaqan magaalada Al-Xaskah ee dalka Suuriya ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Suuriya ay maalintii labaad duqeeyeen degmooyin ay maamulaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Kummanaan qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qaxeen guryahooda markii ay billowdeen duqeymihii ugu borreeyay ee ka dhanka ah magaaladaasi.

Magaalada Al-Xaskah ayaa waxaa inta badan gacanta ku haya maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG.

Maleeshiyaadka kooxdani ayaa waxaa taageero ka dhan ah kooxda Khilaafada Islaamka siiya mareykanka.

Balse dhawaan ayay maleeshiyaadkani dowladda ka qabsadeen degmooyin badan oo ku yaala gobolka Xasakah ee woqooyi bari dalkaasi Suuriya.