Ku darso intaad ka ogtahay Horyaalka kubada cagta ee Ingiriiska (Premier League-ga)

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Astaanta (logada) cusub ee Premeri League-ga

Todobaadkii hore waxaa si xiiso leh u bilowday horyaalka kubada cagta Ingiriiska ee loo yaqaan Premeir League kaasi oo ah kan ugu xiisaha badan tarmada kubada cagta aduunka uguna daawashada badan.

  • 1: Manchester United waa kooxda ugu guulaysashada badan Premier League-ga waxay haysataa 13 koob, waxaa dhamaan koobabkaasi u qaaday Sir Alex Ferguson oo 26 sano laylinayey kooxdaasi.
Lahaanshaha sawirka AFP
  • 2: Gool ugu dhakhsiyaha badanaa ee taariikhda Premier Leagea-ga la dhaliyo waxaa dhaliyey Ledley King, oo Tottenham u ciyaarayey isagoo ka dhaliyey kooxda Bradford City December 2009.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Alan Shearer oo u dabaaldegaya gool uu dhaliyey
  • 3: Alan Shearer wuxuu haystaa rikoorka gooldhalinta taariikhda Premier League-ga wuxuu shabaqa taabsiiyey 260 gool, waxaa kale oo uu haystaa dhalinta goolasha sadexleyda isagoo dhaliyey 11 jeer, Laacabkii hore ee kooxda Newcastle waxaa kale oo uu haysataa rikoorka goolasha sadexleyda ee la dhaliyo hal xili ciyaareed wuxuu dhaliyey ciyaarihii 1996/1997 oo uu dhaliyey shan sadexley.
  • 4:Ciyaarhankii hore ee Manchester United Ryan Giggs wuxuu haystaa rikoorka safashada kulamada Premier League-ga wuxuu markii ugu horeysay garoomada ka soo muuqday isagoo da'diisu tahay 22 sano intii aannu ciyaaraha ka fariisan wuxuu saftay 632 kulan, isagoo kulamaasi saftay mudadii u dhaxaysay 15-kii August 1992 ilaa 6-dii May 2011.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ryan Giggs waa halyeey Manchester United
  • 6. Matthew Briggs wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee taariikhda horyaalka Ingiriiska safta, isagoo 16 sano & 65 maalmood jira ayuu u saftay kooxda Fulham oo la ciyaaraysay Middlesborough sanadkii 2007-kii, waxaase docda kale noqday ninkii ugu da'ada waynaa ee Premier League-ga u safta koox John Burridge oo isagoo 43 sano iyo 162 maalmood jira u ciyaaray kooxda Manchester City oo sanadkii la ciyaaraysay kooxda QPR sanadkii 1995-kii.
  • 7. Thierry Henry oo ka tirsanaa Arsenal wuxuu dhigtay taariikh ah in shan xilli ciyaareed oo isku xiga ciyaaryahanka kaliya ee dhaliyey 20 gool.
  • 8: Dhibcihii ugu badnaa ee koox qaada Premeir League-ga ay hesho waxaa ugu badnaa Chelsea oo 95 dhibcood koobka ku qaaday xili ciyaareedkii 2004/2015.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Thierry Henry taalo ayaa looga dhisay garoonka Arsenal
  • 9. Peter Schmeichel wuxuu noqday goolhayihii ugu horeeyey ee dhaliya gool isagoo u safnaa kooxda Aston Villa ayuu gool madaxa uu u adeegsaday wuxuu ka dhaliyey kooxda Everton sanadkii 2001-kii, waxaase soo raacay oo shabaqa goolal ku hubsaday Brad Friedel oo isagoo u ciyaaraya Blackburn Rovers sanadkii 2004-tii gool ka dhaliyey Charlton Athletic, Paul Robinson oo ciyaari jiray Tottenham ayaa isaguna gool dhaliyey ciyaar kooxdiisu la lahayd Watford 2007-dii, Tim Howard oo ahaa goolhayihii Everton ayaa 2012-kii wuxuu gool ka dhaliyey Bolton Wanderers iyo Asmir Begovic oo Stoke ka tirsanaa ayaa 2013-kii wuxuu gool ka dhaliyey Southampton.
  • 10: Inkastoo Premier League-gu yahay tartanka ciyaareed oo Ingiriisku leeyihiin haddana ma jiro tababare Ingiriiska u dhashay oo koobkaasi qaaday.
  • 11: Xili ciyaareedkii 2003-2004 kooxda Arsenal ayaa koobka ku qaaday iyadoo hal mar dhinaceeda dhulka aan la dhigin iyagoo dadaalkaasi ku qaatay magaca "Invincibles" ama "Lama arkaan".
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption kooxda "Invincibles" ama "Lama arkaan". ee Arsenal
  • 12: Kulankii ugu daawadayaal badnaa wuxuu noqday kulan Manchester United ay gurigeeda Old Traford ku marti galisay Blackburn Rovers sanadkii 2007, kaasi oo garoonka ay soo buuxiyey taageerayaal gaaraya 76,398 (todobaatan & lix kun sadex boqol sagaashan iyo sided), waxaase loo diiwan galiyey kulankii ugu daawadaal yaraa Wimbledon oo hoygeeda ku qaabishay Everton sanadkii 1993-kii, kulankaasi oo ay garoonka soo xaadireen 3,039 (Sadex kun iyo sodon iyo sagaal) qof oo kaliya.
  • 13: Xagga anshaxa sadex ciyaartoy ayaa noqday kuwa ugu badan ee qaata kaarka cas waxayna kala yihiin Duncan Ferguson, Patrick Vieira & Richard Dunne kuwaasi oo midkiiba uu qaatay 8, kaarka hurdiga waxaa ugu badan oo la siiyey 103 kaararkaasi ciyaaryahan Gareth Barry .