Mucaaradka Zambiya: 'Waa la xaday doorashadii madaxtinnimada'

Image caption Mucaaradka Zambia ayaa ku gacan sayray natiijada doroashadii dalkaasi ka dhacday 11 August 2016

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Zambiya ayaa gudbiyey dacwad ka dhan ah dib udoorashada madaxweyne Edgar Lungu. Xisbigu wuxuu doonayaa in dhinac la iska dhigo natiijada doorashadaas oo aad la isugu dhowaa. Madaxweyne Lungu ayaa doorashadaasi ku helay guul cariiri ah.

Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee UPND, Hakainde Hichilema, oo ku doodayo in doorashadaasi laga xaday ayaa dacwaddaasi u gudbiyey maxkamadda dastuuriga ee ku taalla caasimadda Lusaka.

Dastuurka cusub ee dalkaasi wuxuu dhigayaa in Mr. Lungu aan la dhaarin karin illaa iyo inta dacwaddan laga soo gabagabaynayo. Sharciga dalkaasi wuxuu qabaa in dacwadaha la xiriira natiijooyinka doorashada lagu soo afjaro muddo 14 maalmood ah.

Mr Hichilema wuxuu dib udoorashada madaxweyne Lungu ku tilmaamay afgembi ka dhan ah hannaanka dimuqraadiyadda Zambiya.

In badan oo ka mid ah dadweynaha Zambiya waxay dooonayaan in dowladda ay wax ka qabato dhaqaalaha sii liicaya ee dalkaasi.