20 qof ka badan ayaa ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Gaalkacayo

Magaalaada Muqdisho ayaa lagu yaqaanay qaraxyada noocan oo kale ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalaada Muqdisho ayaa lagu yaqaanay qaraxyada noocan oo kale ah

Labo qarax oo ka dhacay magaalada Gaalkacayo ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan20 qof dad kalana dhaawacyo gaarsiiyay.

Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay xafiiska dawladda hoose, qaraxa labaad ayaa isna daqiiqado kaddib ka dhacay isla goobtaasi, waxaana la soo sheegay in ay rasaas dabo socotay.

Qaraxyadaas ayaa la sheegay in loo adeegsaday gawaari.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay arkeen dad dhintay iyo kuwo kale oo dhaawac soo gaaray.

Dadkaas waxaa ka mid ah laamaha ammaanka iyo shacab.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyaan masuuliyadda weerarkaas.

Maamul goboleedka Puntland ayaa cambaareeyay weerarkaas.