Wareysi:Tababarka dhalinyarada Boosaaso
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Dhalinyarada Boosaaso oo la barayo dawaarka, soo dhaweynta iyo korontada

Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliya ayaa la sheegaa inay dalka isaga baxaan oo ay mararka qaar naftooda halis galiyaan, iyagoo markaa doonaya inay helaan nolol wanaagsan.

Haatan dhalinyarada qaar ayaa is abaabulay oo waxa ay sameysteen ururo iyagoo ku hamminaya inay wax u qabtaan dhalinyarada kale ee ka soo jeeda qoysaska tabarta yar.

Haddaba urur dhalinyaro oo ka dhisan magaalada Boosaaso ayaa billaabay barnaamij tababar oo ay diiradda ku saarayaan dhinacyada dawaarka, soo dhaweynta, korontada iyo qaabka loo qabto shaqooyinka guryaha.

Dhawaanna dufcaddii ugu horreysay ayaa ka qalinjabisay.

Cabdiwali Xasan Cabdi (Gooni) waa agaasimaha ururka dhalinyarada Sovoyodo ee tababarkaasi bixiso, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay waxa ay qabtaan?