Xoghayaha arrimaha dibaada ee Maraykanka, John Kerry, ayaa booqanaya Kenya si looga hadlo ammaanka gobolka bariga Afrika

John Kerry oo booqanaya Kenya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption John Kerry ayaa sidoo kale kula kulmi doona Nairobi wasiirada arrimaha dibadda ee siddeed wadan ee Bariga Afrika

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa booqanaya Kenya, wuxuuna la kulmi doonaa madaxweyne Uhuru Kenyatta si looga hadlo ammaanka gobolka.

Waxyaalaha laga hadlayo waxaa ugu wayn dagaalka ka socda Suudaanta Koonfureed iyo xaalada Soomaaliya oo Alshabaab ay wali ka wado weeraro.

Wuxuu sidoo kale wadahadal la yeelan doonaa maanta wasiirada arrimaha dibadda ee siddeed waddan oo Bariga Afrika ah.

Talaadada, Kerry ayaa u safri doona Nigeria si looga hadlo la dagaalanka kooxda Boko Xaraam.