Dhimashada Galkacyo oo korortay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhimashada Galkacyo ayaa korortay oo gaartay 25 inta la xaqiijiyay ka dib markii kooxda Alshabaab ay qarax la beegsatay

Magaalada Gaalkacyo dadkii faraha badnaa ee ku dhintay weeraradii is-qarxinta ee shalay Axadii lala beegsaday bartamaha magaalada ayaa sii kordhay.

Inta la xaqiijiyey dhimashadu waxay dhaaftay 25 qof.

Isbitaalka guud ee Magaalada waxaa la dhigay tirada ugu badan dadkii dhaawaca soo gaaray oo kala heer heer ah...dadkii qaar waa la fasaxay, qaar ilaa 30 saac ayaa lagu haynayaa isbitaalka, waxaase xaaladoodu liidataa qaar ka mid ah dhaawicii.

Dr Mohamed Hussein Aden, waa agaasimaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo, oo hoos taga wasaaradda caafimaadka ee Puntland. Telefoonka ayaan ku wareysanay oo aan waydiinay dadkii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah. Cabdinur Sh Maxamed ayuu u waramay.