Baarlamaanka Libya ee magaalada Tobruk oo u codeeyay kalsoonida oo ay kala noqdeen dowladda Libya ee aqoonsiga haysata

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Libya ayaa waxaa ka jira saddex dowladood iyo laba baarlamaan oo aan ka wada talin wadanka oo dhan, iyadoo uu dagaal ka socdo waddanka tan iyo 2011-kii

Afhayeenka baarlamaanka Libya ee saldhigiisu yahay magaalada bariga ee Tobruk, ayaa sheegay in baarlamaanka uu u codeeyay inay kala noqdeen kalsoonida dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

Saamaynta ay codayntan yeelanayso lama hubo. Laakiin waxaa loo arkaa dib u dhac ku yimid dadaalka Qaramada Midoobay ay ugu jirto inay dowlad ka hirgaliso magaalo madaxda Tripoli, taasoo ujeedadu tahay inay joojiso dagaalka sokeeye iyo inay midayso waddanka.