Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lacag laga xaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa $530,000 laga xaday sida uu sheegay gudoomiyaha bangiga

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in lacag dhan shan boqol iyo sodon kun oo dollar ($530,000) laga xaday Bangiga todobaadkan, iyadoo ninka lagu tuhunsan yahay xatooyadaasi oo ah qasnaji ka tirsanaa bangigala la'yahay.

Gudoomiyaha oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Bangiga Dhexe ayaa sheegay, in si tartiib tartiib ah lacagahan looga saaray qasnada iyadoo badalkeeda la adeegsanayay lacago dollar ah oo been abuur ah.