Si ay u hesho magdhow lacageed ayay isaga goysay qaybo ka mid ah xubnaha jirkeeda

Image caption Xadiidka Tareenadu ku cararaan

Haweenay u dhalatay dalka Vietnamese ayaa qiratay in ay ku dhaqaaqday talaabo la yaab leh ka dib markii iyadoo doonaysa inay lacag kaga hesho shirkadaha caymiska ay ku bixisay lacag in laga gooyo qayb ka mid ah gacanteeda iyo catga sida ay xaqiijiyeen Booliiska wadankaasi.

Haweenaydan oo 30 sano jir ah oo lagu magacaabo Ly Thi N waxay tilaabadan lama arag iyo lama maqalka ah u sameysay iyadoo doonaysay inay iska dhigto in tareen uu hirdiyey ama uu jiiray sidaasiana ay ku wayday xubnaha jirkeeda, sidaasi waxaa qoray wargeyska Dadka ee ku hadla afka ciidamada Booliiska dalka Vietnam reports.

Haweenayda ayaa markii ay Booliiska ka waraysteen xaaladaha ay ku dhaawacantay si ay dacwadeeda u diiwan galiyaanayaa baaritaankii lagu sameeyey waxaa la ogaaday inay been sheegayso oo aanay galin shil tareen, waxaana ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyey inay siisay qof ay saaxiib yihiin lacag gaaraysa $ 2,200 si uu uga gooyo gacanta ka dibna ay u sameyso dacwad ku salaysan inay hesho magdhow lacageed oo gaaraya 150,000 oo doolar ,taas oo uu bixin lahaa shirkada ay uga jirto caysmiska shakhsiyadeed.

Qofkii haweenayda xubnaha ka jaray oo magacabiisa lagu sheegay Doan Van D ayaa wuxuu wacay qaybaha caafimaadka deg deg ah isagoo sheegaya in uu ka helay xarunta tareenada ee magaalada Hanoi haweenay dhaawac ah.

Haweenaydan ayaa la sheegay inay lahayd ganacsi cago adag aan ku taagnayn sida ay sheegeen warbaahinta gudaha ee dalkaasi.