Daabulaadda dadka ku go'doonsan Daraya oo bilaabatay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Basaskii u horeeyay ayaa magaalada ka baxay

Dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada fallaagada ayaa billaabay in ay isaga baxaan magaalada Daraya ee dalka Suuriya kaddib heshiis lagu gaaray in la soo afjaro go'doomin ay ciidammada dowladda ku hayeen magaaladaasi muddo afar sano ah.

Basaskii ugu horreeyay oo sida dadka ka baxaya magaaladaasi ayaa ka ambabaxay meel u dhow magaalada Dimishiq, waxaana galbinayay baabuurta gurmadka iyo kuwo kale oo ay leedahay hay'adda bisha cas.

Dagaalyahannada fallaagada ayaa u dhaqaaqi doona dhanka magaalada Idlib oo ay maamulaan fallaagadu, halka dadka rayidka ah ay aadayaan xeryaha ay dowladda maamusho ee ku yaala gudaha dalkaasi.

Ciidammada millatariga dalka Suuriya ayaa magaaladaasi Daraya isku hareereeyay sanadkii 2012.

Warbaahinta dalka ee Suuriya ayaa sheegtay in 700 oo ka tirsan fallaagada hubeysan iyo ilaa 4000 oo qof oo rayid ah in laga daad gureyn doono magaaladaasi, sida ku xusan heshiiska.