Soomaaliya maxay ka faa'iideysaa shirka Japan iyo Afrika
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya maxay ka faa'iideysaa shirka Japan iyo Afrika

Waxaa maanta lasoo gebagabeynayaa shirka Nairobi uga socda Afrika iyo Japan, ayadoo ra'iisal-wasaare Shinzo Abe uu shalay ballanqaaday in uu qaaradda siin doono 30 bilyan oo doolar oo gargaar iyo deyn isugu jirta marka la gaaro sanadka 2018.

Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leehay Afrika.

Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada shirkan ka qeybgalaya.

Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa weriyaha BBC Ciise Xaaji Cabdule uga warramay waxa ay Soomaaliya ka faa'iideyso shirkan.