Malayshiyo Dawladda Islaamka lala xiriiriyo oo maxaabiis sii daysay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska ayaa todobaadkii hore xiray sideed ka mid ah malayshiyada Maute

Malayshiyo xagjir ah oo reer Philippine ah oo taageersan kooxda isugu yeerta dawladda Islaamka ayaa sii daysay sideed malayshiyadooda ka tirsan kaddib markii ay jabiyeen xabsigii ay ku jireen.

Booliiska ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan malayshiyada Maute ka mid ah ay weerareen xabsi ku yaala magaalada Marawi ee gobolka Lanao del Sur, ayna markii dambe hub ka qaateen.

Malayshiyadan hadda qasabka lgu furtay ayaa la xiray todobaadkii hore kaddib markii ay xukuumaddu ku qabatay iyaga oo wad gantaallo gacan ku samays ah.

Ugu yaraan 15 maxbuux oo kale ayaa la baxsaday ragaas xag jirka ah,

Kuwaas baxsaday waxay ku kala eedaysnaayeen dil iyo daroogo ka ganacsi sida ay booliisku sheegeen.

Kooxda Maute ayaa qaraxyo dhawr ah iyo afduub ka gaysatay koonfurta gobolka Mindanao.

Philippine ayaa wajahaysay dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah oo tobonaan sano ka socday Mindanao oo aqlabiyadda dadka dagan ay Muslimiin yihiin, laakiin Philippine inteeda kale waxaa u badan dad aaminsan madhabta Kaatoligga.

Image caption Khariirad