Shirka iskaashiga Japan iyo Afrika oo la soo gabogabeeyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka iskaashiga Japan iyo Afrika oo la soo gabogabeeyay

Magaalada Nairobi ayaa lagu soo gabogabeeyay shirka iskaashiga Japan iyo Afrika.

Madaxweynaha Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa amaanay oo guul wayn ku tilmaamay shirkan oo labo maalmood socday ayna soo qaban qaabisay dawladda Japan.

Ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo sabtidii shirka furay ayaa ballaanqaday 30 bilyan oo dollar oo maalgalin iyo kaalmo isugu jirta oo japan ay siin doonto Africa saddexda sano ee soo socota si loo horumariyo koboca dhaqaale iyo xiriirka ganacsi ee qaaradda.

Gagogabadii shirkaasi waxaan ka waraysanay Cabdirashiid Dahabshiill oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay, weriyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayuuna uga waramay wixii uga baxay shirkaasi.