Magaalada Berbera oo ay dadka qaar biyo la'aan ka cabanayaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Magaalada Berbera oo ay dadka qaar biyo la'aan ka cabanayaan

Magaalada Berbera ayaa xilligan xagaaga ah waxa ay tahay mid aad u kulul oo weliba ay ka dhacayaan dabaylo hanfi wato, balse dadka ku nool xaafadaha qaarkood ayaa ka cabanaya biyo yari muddo socotay.

Arrintan biyo yarida ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada ay ka dhoofayaan boqolaal kun oo xoola ah oo xilligan xajka loo wado waddanka Sucuudiga.

Haddaba weriyaha BBC Axmed Saciid Cige, oo safar shaqo ku jooga magaaladaasi Berbera, ayaa la kulmay dumar sitay jirikaanada biyaha lagu dhaansado oo ka cabanaya biyo la'aan.

Haweenkii ayuu la sheekaystay kaddibna warbixintan ayuuna halkaasi inooga soo diray.